|

Al-shabaab oo soosaray vidio hanjabaad ay udiraya kenya.

Muuqaal vidio ah oo ay al-shabaab soosartay kaasi oo ay shaaca uga qaadeen dagaal ka dhan ah dalka Kenya oo ciidamadooda ay Howlgalada ka wadaan .

Muuqaalkaan ayaa waxaa kasoo muuqday Sheikh Ahmed Iman
Ali, oo sheegtay in uu yahay hogaamiyaha dagaalyahanada
Alshabaab ee Kenya loo xilsaaray kaasi on hanjabaad udiray kenya.

Sheikh Ali ayaa Vidio-ka laga duubay oo cinwaankiisu ahaa
haday waydiistaan caawin diintooda ah waa waajib ku saaran in aad caawiso ayaa waxa uu ku sheegay in hada la joogo
xiligii dagaal Jihaad ah lagu qaadi lahaa dalka Kenya si looga
jawaabo ayuu yiri howlgalka militeri ee Kenya .

Warbixin ay horay u soo saareen kooxda la socodka arimaha
soomaaliya iyo Eratariya ee QM
ayaa waxaa lagu sheegay in Sh.

Cali oo ahaan jiray gudoomiyaha xarunta Muslim Youth Centre oo ku taala Pumwani, Nairobi, in uu xarakada Alshabaab u
qaabilsanyahay qorida dhalin yarada aan Soomaalida ahayn ee
Nairobi.

Intabadan maha mid kusub hanjabaadan Alshabaab ee ka dhanka ah dalka Kenya hasayeeshee Alshabaab ayaa tan iyo markii ay militeriga Kenya
gudaha u galeen soomaaliya waxa ay soo saarayeen hanjabaado ah in ay weeraro aargoosi ay ka gaysan doonaan
gudaha dalka Kenya.

Ayadoona kenya aysiweyn hanjabada ugu dhagtaagayso kaga imanaya al-shabaab,dhanka kale hadalkan ayaa imanaya ayadoo dowlada biritan ay kenya uga digayso weraro kaga imada al-shabaab.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network

Comments are closed