Raysul wasaare c/wal gaas oo sooxiray shirka loogahadlayey roadmapka oo kadhacay Nairobi, iyo waxa loogahadlay.
NAIROBI(MMEDIA) shirlooga hadlayey arimaha roadmapka dowladda FDKS, oo kadhacay magalada nairobi ayaa halkaasi manta lagu soogaba gabeeyey.
Shirkaan oo socdey maalin qura ayaa waxaa soo qaban
qaabiyay Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan
Arrimaha Wadanka Soomaaliya Dr Augustine Mahiga, waxaana ka soo qeyb gallay Wadamada
daneeya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan wakiilada u joogga Magaaladda Nairobi.
Shirka ayaa Ra’iisul wazaaraha dowladda Soomaaliya Mudane C/
Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan
taabaneyso, oo uu markaasi ugahad laayay wax-yaabihii uga hir- gellay Roadmap-ka.
Waxa uu Raa’isal Wasaaraha sheegay in ay dowladda guulo kagartey dagaaladda Magaaladda Muqdisho waxana uu inta kudaray inqorshaha lagu ansaxiyay Roadmap-ka magaalada muqdisho, inay uga hirgelliyeen sida uu yiri wax-
yaabo badan.
Raysul wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu qeexay in Xoogaga Shabaab ay ka saareyn dhul fara-
badan, kadib markii Xoogaga Shabaab dagaalo balaaran looga furay Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in gacanta Dowladda Soomaaliya ay soo gashay dhul balaaran, oo ay horey u jooggin kahor bishii
September.
Frof.C/Wali Gaas ayaa wuxuu sheegay inay goobaha shabaab laga xoreyey kamid tahay magaalada b/weyne oo xilligaani soo gashay gacanta Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inaysan weli u sameyn wax maamul ah, maamul u samey satana ay ka horeyso sida uu yiri, iyadoo marka hore dadka deegaanka aysoo doortaan guddi amni ah, simarkaasi reer Baladweyne loogu
sameeyo maamul, isla-markaana hoos yimaada Dowladda Kmg ah ee Soomaliya.
Dhanka kale shirkaan oo khudbado kala duwan ay kajeediyeen Wadamada daneeya
arrimaha Soomaaliya iyo Dr Augustine Mahiga, ayaa waxay
soo jeediyeen in tallaabada xigta ee la-qaadaayo ay noqoto, sidii loo-dardar gellin lahaa Geeddi Socodka Nabadda “Roadmap”
iyo Dhameystirka Dastuurka Qabyadda ah.
Shirkaan oo uu maanta daah- furay Ergayga Gaarka ee
Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Wadanka Soomaaliya
Dr Augustine Mahiga, ayaa wuxuu Beesha Caalamka uu ugu
yeeray taageero siinta Dowladda DFK ee Somaliya, isagoo
intaasi ku daray in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii nabadda.
Si kastaba ha-ahaatee Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya,
ayaa waxay shirkani ay ku muujiyeen sida ay u taageersan yihiin Dowladda Kmg ah ee
Soomaaliya, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan
dhaqaalaha ay ugu yaboohayaan
Dowlada Madaxweyne Shariif.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network.
