Madaxwaynaha Somaaliland oo Tacsi u diraya Eheladii iyo qaraabidii uuka geeriyoday Marxum Aadam Mire Waqaf
TACSI
Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM AADAN MAXAMED MIRE (WAQAF) oo ku geeriyooday Dalka Maleysiya, Xilal kala Duwana ka soo qabtay Dalka JSL, markii ugu Danbaysayna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee Xisbiga UCID.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

