Faroole oo udabaal dagay sanad guuradii sadexaad ee xilkiisa(Dhagayso)
Podcast: Play in new window | Download
Bosaso(MMedia) Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.C/raxmaan Sh.Max’ed ayaa xalay waxaa uu xafalad heer saraa kuqabtay aqalka madaxtooyada ee Magaalada Boosaaso iyadoo looga hadlayay arimihii lasoo gudboonaaday maamulka mudadii xukunka uu hayay.
Xafladaani oo ay kasoo qayb galeen Isimo Salaadiin Nabadoono Wasiiro iyo Bulshowayn kale oo fanaaniintu horkacayeen ayaa waxaa intay socotay hadlo ama khuudbado kala duwan kasoo jeediyay qaar kamida Musuuliyiintii kasoo qayb gashay.
Waxaa Xaflada ka hadlay Suldaan Cabdisalaan oo ka mid ah salaadiin G.muudug Waxaa uuna ka hadlay arimaha amaanka isagoo sheegay in lagao rabo dawlada inay u turto dadwaynaha Bulshadana looga baahan yahay inay garabkooda dawlada u raariciyaac is ay ugu istaago korna ugu kacdo.
Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo isguna goobta ka hadlay Ayaa waxaa uu kacodsaday dowladda inay dhamaystiro dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso isagoona sheegay in loobalan qaaday dhisitaanka Garoon balse aysan wax waxqabad ah arkin.
Xafladaan oo hadalo fara badan lagasoo jeediyay ayaa gabagabadii waxaa hadalka qaatay Madaxwenaha MGPL Dr.Cabdiraxmaan oo kahadlay arimha amaanka hormarka wax qabadkii dawlada balan qaadayna inay dhamaystiri doonaan dhismaha Garoonka Magaalada Bosaso isagoo ka jawaabaya hadalkii Ugaaska.
Madaxweyne Cabdiraxmaan ayaa marlabaad ku eediyeey Maamulka Al-Shabaab Dilkii Sh.Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan waxaana uu sheegay madaxweynuhu inay wax kaqaban doonaan arinkaasi isagoona sheegay in Al-Shabaab ay caruurtooda iyo haweenkooda usoo safriyaan deeganada Puntlan ayna mar danbe suurtoobayn in Al-Shabaab Ay usoo gudubto deegaanada Puntland.
Madxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in ay lasocdaan saraakiisha Al-Shabaab inay iyagoo qaabab kala duwan isku ekaysiinaya ay kusoo dhuuntaan deeganada Puntlan qaababkaasina ay kamid yihiin inay darawel gaari iskasoo dhigaan sido kale ay Qaxooti iska soo dhigaan.
Madaxwenye Faroole oo xilka madaxnimo ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Qabtay 8-1-2009 ayaa waxaa uu balan qaaday inuu waxbadan kaqaban doono arimha horumarka iyo amaanka isagoo waxyaabo fara badan oo ay kamid yihiin soo celinta G.Sool adkaynta amaanka balan qaaday mar uu ka hadlayay waxa uu qabanayo haduu ku guulaysto hogaanka DGPL taasina aysan suura galin.
Bilihii lasoo dhaafay amaan darada ayaa waxaa ay si is daba jooga ugusoo badanaysay deeganada Puntland iyadoo maamulku uu kuguulaysan waayay xasilinta G.mudug oo ah meesha maamulka Puntland iyo Galmudug ay iska galaan Dhamaadkii Bishii 8aad ee sanadkii tagayna maamulku uu Dagaal ku qaaday Xaafada Garsoor Beel Dagan isagoo ku andacoonaya Al-Shabaab Ayaa ka buuxa.
Sikataba ha ahaatee maamulka Puntland oo xafladii xalay kasheegay in amaanka wax laga qabtay ayaa waxaa muqata in amni daradu ay kasii dartay meeshay maraysayna ayasan hoos uga dhicin ee ay kor ugasii kacday taasina ay marag utahay waxqabad la’aanta Maamulka Dr.C/raxmaan Sh.Max’ed Max’ud (Faroole).
Maakhir Media Office News in Puntland.
