|

Maanta oo lasoo gaba gabaynayo Shirkii Baarlamanka Dalalka IGAD uga socday Jabuuti

Djabuuti-MMedia-Wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti ee dalkaasi jabuuti ayaa sheegaya in lasoo gaba gabaynayay shirkii wadamada IGAD ka koobantahay uga socday Magaalada Jabuuti uu soo gaba gaboobayo Saacadaha soo socda iyadoo Somaalliyana uga qayb galeen labada Gudoomiye Kuxigeteno kuwaasi oo kusoo bandhigaya arimaha baarlamanka Hortaagan iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Shirkan oo ahaa shir ay yeesheen Baarlamanka IGAD ayaa la filayaa in saacadaha soo socda lasoo gaba gabeeyo iyadoo kadibna saxaafada loo akhriyi doono natiijadii kasoo baxday ,waxaa kaloo ugu muhiim sanaa oo shirka lagaga hadlaya arimaha Somaaliya iyo is qabqabsiga Baarlamanka dhexyaala taasi oo gogol dhig u ahayd furitaanka shirka Jabuuti.

Sidoo kale Shirka uga socda Baarlamaanada dalalka geeska afrika magaalada Jabuuti ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii ay iskaashi buuxa u yeelan lahaayeen dalalka gobolka iyo sidii xal looga gaari lahaa khifaalka ka dhex taagan Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan manta soo gaba gaboobaya ayaa kusoo beegmaya xili uu khilaaf wayn ka taaagan yahay Baarlamanka Somaaliya isla markaana uu dhexmaray gacan ka hadal feedh iyo laad la isku adeegsaay dhawacna keenay iyadoo la filayo in natiijo laga soo saaro shirkaasi.

Maakhir Media Djabuuti

Comments are closed