Ciidamada kenya oo sheegay inay kooxda al-shabaab weraro kusooqaadeen degaanka fafax dhuun.
NAIROBI(MMEDIA) Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar ku sooqaaday saldhig ay ciidamada dalka Kenya iyo kuwa dowlada KMG ay ku leeyihiin magaalada
Faafax dhuun oo dhawr maalinka hor lagala wareegay
xarakada Alshabaab.
Ciidamada militeriga ee dalka Kenya ayaa iska caabiyay weerarkasi ciidamada Alshabaab ay ku soo qaadeen saldhiga ay
ku leeyihii magaalada Faafax dhuun sida ay sheegeen saraakiisha milteriga dalka
Kenya.
Militeriga Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in kooxda Alshabaab
oo markii Talaadadii laga qabsaday faafax dhuun dib ugu
gurtay tuulada Taraqa oo 15 mitir u jirta Faafax dhuun in ay
iminka isku dayayaan in ay dib u qabsadaan magaalada faafax
dhuun.
Saraakiisha militeriga dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in
hada ay isu diyaarinayaan in ay
weerar ku qaadaan magaalada Bardheere ee gobolka Gedo.
Mohamed abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network
