|

Kulan Amanka looga hadlayay oo Bosaso lagu qabtay.

Bosaso(MMedia) Kulan balaaran oo looga hadlayay amanaka ayaa waxaa uu maanta ka dhacay xarunta Gobolka ee Magaalada Bosaso.

Kulankaani  oo ay kasoo qayb galeen Masuuliyiin sarasare oo isgu jira Wasiiro Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Culimaa’udiin iyo qaybaha kale ee Bulshada ayaa waxaa siwayn loogu falanqeeyay xaalda amaanka ee Deegaanada Puntland gaara ahaan Gobolka Bari , Magaalada Boosaaso.

Kulankaani ayaa waxaa hadalo kasoo jeediyay qaar kamida masuuliyiintii kasoo qayb galay oo ay kamida ahaayeen Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan Gudoomiyaha Degmada Boosaaso Xasan Cabdallah Xasan Culimo ay horkacayeen Sh.Daahir Aw Cabdi iyo Sh.C/qaadir Nuur Faarax.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Duqa Degmada Boosaaso Xasan Cabdallah Xasan oo sheegay in loobaahday in Bulshowaynta laga wacyi galiyo arimaha laxiriira amaanka loogana bahan yahay inay maamulka ka gacan siiyaan soo qabasha cida falka amaan daradaa gaysanaysa.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Sh.C/qaadir Nuur Faarax oo sheegay in amaanak lagu sugi karo iskaashi dhex mara Bulshada iyo laamaha amaanka hadii Bulshadu aysan gacan kagaysana aya sii socon doonaan dilalkaasi qorshaysan.

Sh.Daahir Aw Cabdi  oo isna kulanka ka hadlaya ayaa waxaa uu ugu baaqay qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Haweenka iyo Dhalinyarada in ay ka shaqeeyaan hawlaha amaanka cida dadka dilaysana ay iska soo saaraan.

Kulankaani oo ay Masuuliyiintu hadalo kasoo jeediyeen ayaa waxaa isna ka hadlay Wasiirka Wasarada Beeraha iyo Waraabka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax oo sheegay in magaalada Boosaaso ay tahay meel muqadas ah waa sida uu hadalka u dhigaye loogana baahan yahay Bulshada inay sibuuxda uga qaybqaataan sugida amaanak magaalada oo maalmihii lasoo dhaafay ay kusoo badanayeen falalka amaanka lidiga ku ah.

Kulankaani oo lafilayo inuu noqdi mid mira dhal ah ayaa waxaa uu kusoo dhamaaday jawi xasiloon islamarkaana aad udagan.

Maakhir Media Office News in Puntland.

Comments are closed