Wiil soomaali ah oo sixir fadaysan ubad baadiyey nintareen jiidhilahaa dalka sweden.
TIERP AppLASA.(MMEDIA) Shafici Cali oo ah wiil Soomaali ah ayaa la gudoonsiiyay shahaado sharaf,kadib markii uu badbadiyay qof uu jiiri lahaa
Tareen.
Tuulada Tierp ee hoos tagta magaalada Uppsala ee dalkani
Sweden ayaa ay ka dhacaday arrin aad loo la fajacay, kaddib
markii wiil Soomali ah uu naftiisa halis u galiyay badbaadinta wiil dhalin yaro ah oo aad u cabsanaa, kaas oo inta meel udhaw wadadda Tareenada ka soo baxay, islamarkaana dhex
qaaday isla jidka tareenka oo xiligaas uu ku soo wajahnaa
Tareen xowli daran ku socday.
Waxaa meel dheer ka arkay Shafici oo halkaas ka agdhawaa,
kaddibna waxa uu ku qeyliyay ninkii cabsanaa oo uu u sheegay in uu wadadda Tareen ku soojiro, kuna yiri war ka leexo ninka
cabsan ma dareemi karin, waxa meesha ka dhacaya waayo si’aad ah ayuu u cabsanaa, si’da ay
boolisku sheegeen markii caafimaadkiisa la baaray.
Shaacfi ayaa si hal haleel ah u aaday halkii uu ninku taagnaa oo ahayd wadadda Tareenku maro, waxa uuna si dhaqso leh u tuuray ninkii oo ku dhacay meel banaan ah, waxaana markiiba
xowli ku dhaafay Tareenkii oo ku
socoday xawaare uu markiiba jaray dhowr boqol mitir, Illahna
waa ka bashay Shaafici oo muuusan jiirin isagii iyo ninkii uu badbaadshay.
Shafici Cali waa wiil 18 jir ah oo ku nool Tuulada Tierp, waxa
uuna arrintaas ku mutaystay abaalmarin qaali ah, waxaana
lagu tilmaamay in uu yahay geesi aad u qiima badan oo naftiisa halis u galiyay badbaadinta naf
kale.
Dhacdadan oo ah ta’ugu hadal haynta badan ayaa waxa ayku noqotay magaalada tierp,appsalad mida layswaydiinayo sida uu ubad baadiyey wilkan dhalin yarada ah ninkaasi.
Mohamed Ali Abdi (Royter)
karaama@gmailcom
Tierp, Uppsala Sweden
Maakhir Media Network
