Kenya oo sheegtay inay howl galadeeda sii’wadi doonto somaaliya.
NAIROBI(MMEDIA) Militeriga dalka Kenya ayaa waxa ay
sheegeen in ay sii wadi doonaan duqaynta ay ku hayaan fariisimaha xarakada Al-shabaab
ee dalka soomaaliya .
Afhayeenka militeriga dalka Kenya Cor: Syris Oguna ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadi
doonaan duqaynta goobaha Al-shabaab ay ku sugan yihiin ilaa
laga burburiyo awoodooda.
Militeriga dalka Kenya ayaa todobaadyadii aanu soodhaafnay waxa ay duqaymo
dhanka cirka ah u gaysteen dhowr magaalo oo ay ku
suganyihiin xarakada Alshabaab,Weeraradaas oo ay militeriga
dalka Kenya ay sheegeen in ay
qasaarooyin baaxad leh ay ugu gaysteen kooxda Alshabab.
Hase yeeshee Kooxda Alshabaab ayaa si is daba jog ah u beenisay qasaaraha ay militiriga Kenya
sheegaan in ay u gaysteen alshabaab .
Afhayeen u hadlay xaraka Alshabaab ayaa been ku tilmamay shegashada
militeriga Kenya ee ah in ay qasaaro lixaad leh u gaysteen xarakada Alshabab.
Militeriga dalka Kenya ayaa gudaha u galay dalka soomaaliya
16-kii bishii October ee sanadii aanu soo dhaafnay si ay u
bartilmaameedsadaan xarakada Alshabab.
Militeriga dalka Kenya ayaa sheegay sidoo kale in tan iyo intii
ay gudaha u galeen soomaaliya ay kaga dhimatay 5 askari oo
qaar ka mid ah ay ku dhinteen burbur diyaaradeed, isla
markaana 22 askari ay ku dhaawacmeen intii ay howlgalka
uu bilawday.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Netowk
