|

Raysal Wasaare Gaas “Ma aqoonsanin Maamulka la magacbaxay Dooxada Shabelle”

Muqdisho-MMedi-Raysal wasaaraha DKMG ee Somaaliya ayaa sheegay in aanu aqoonsanayd Maamulka isku magaacabay Dooxada Juba isagoo kusugan magaalada baladwayne ayuu sheegay in ay aqoon sanayn maamulkaasi.

Shalay markii uu ku sugnaa magaalada Baladwayne halkaasi oo booqasho ku tagay si u soo booqdo xaalada Magaaladaasi kadib markii ay gacanta ku dhigeen Ciidamada DKMG ah iyo Ciidamo Itoobiyaan ah waxaana markii uu halkaasi ku sugnaa  uu sheegay in aanay aqoonsaneyn Maamulka  lamagac baxay Dooxada Shabeele .

Raysal wasaraha oo la hadlayay idaacada afka Somaaliga ah ee BBC ayaa sheegay “Wax maamul ah oo aan u og nahay Hiraan ma jirto, hal gobolna ma noqdo maamul goboleed ee haddii la sameynayo maamul, sida ku qoran dastuurka waa inuu noqdaa labo iyo wixii ka badan” Sidaasi waxa yiri Raysal wasaare Gaas.

Shalay ayay ahayd markii Rayal wasaare Cabdi wali uu gaadhay magaalada baladwayne isagoo hadana ku sugan magaalada Muqdisho ,tagitaanka Mr Gaas ayaa noqonaya mid dhiiri galin u samaynaya ciidamada gacanta ku haya isgaoo la kulmay Masuuliyinta Baladwayne .

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada itoobiya iyo kuwa DKMG ee Somaaliya oo is garab sanayaan ay gacanta ku dhigeen iyagoo ka xoreyay Al-Shabaab taasi oo uu sheegay Raysal wasaraha in ay sii wadayaan ciidamada ladagaalanka Al-Shabab.

Maakhir Media Muqdisho.

Comments are closed