Victoria Nuland Afhayeenka W/Arimaha debeda Maraykanka”Waxaan badbaadinay Badmaaxayal Iran u dhashay
Washiton-MMedia-Ciidamada Maraykanka ee ku sugan xeebaha Somaaliaya ayaa sheegay in ay badbaadiyeen Badmaaxiin u dhashay dalka IRan kuwaasi oo ay haysteen Burcad badeed Somaali ah mudo lagu Qiyaasay Hal bil .
Markab ay leeyihiin Ciidamada Badda Maraykanka ee ku sugan xeebaha Soomaliya ayaa badbaadiyay 13-Kaluumaysato Irani ah iyo Doonidii ay la socdeen kuwaas oo gacanta ugu jiray Burcadbadeeda Muda ka badan 40-Maalmood.
osh Schminky oo ah nin ka tirsan Hay’adda Barista dambiyada oo la socda Markabka USS Kidd ayaa sheegaya”Waxaan qabanay 15 burcad badeed ah waxaana ay doonta lagu magacabo Al Molai kuwaasi oo doonayay in ay ku qafaashaan maraakiibta Gooshaysa xeebaha Somaaliya iyo kuwa ka fog fog marka xeelada dagaal ayaan ku qabanay” sidaasi waxaa yidh iosh Schminky .
Iyaoo muran xoogle uu ka dhexeeyo IRan iyo Maraykanka ayaa waxaa ciidamada Bada ee USS Kidd badbaadiyeen Badmaaxayaasha IRaniyiin ah ,muranka ayaa noqonaya mid ay dawlada Maraykanka iyo IRan uu yahay Gacan ku haynta Marinka Saliida dunida Muhiimka u ah ee Hormuz.
Ciidmaada Maraykanka ee ku sugan xeebaha Somaaliya ayaa inta badan la dagalamada Burcada iyadoo ay ka badbaadiyaan burcad badeeda Somaalida maraakiibta ay ka qafashaan xeebaha Somaaliya.
