|

Warsangali oo Taageeray Shirkii Khaatuma 2 ee kasocda Degmada Taleex ee Gobolka Sool+Dhagayso

Play

Codkii Waraysi Jamac Nuur (SPR)
Bosaso-MMedia-Iyadoo uu shir balaadhan uga socdo Beesha Dhulbahante magaalada Taleex ee Gobolka sool ayaa waxaa si  aada u soo dhaweeyay Beesha warsangali kadib shir ay ku qabteenMagaaloyinka Bosaso iyo Badhan .

Shirar beelaha Warsangali labadii maalmood uga socday Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa shir saxaafadeed maanta ku qabtey Maka Almukarama ee Boosaaso ka soo aareen war murtiyeed nabadoonka guud ee beelaha Sanaag/Haylaan/Bari Caaqil Cabdi Faarax Cilmi isagoo sheegey in ay doonayaan in ay saxaafada ka shaaciyaan shirka beelaha Siciid Harti ee ka furmaya magaalada Taleex.

Sidaa aan kasoo xiganay idaacada SPR ee fadhigeedu yahay magalada Dhahar ee Gobolka Hayland ayaa waxay soo tabinaysaa in kadib markii shirkii beelaha warsangali uga socday magaalada Bosaso  uu saxaaffada la hadlay Nabadoonka Guud ee Beelaha warsangali Cabdi Farah Cilmi isagoo ka hadlay warsaxfadeedkii shirka laga soo saray waxaana uu yidhi “Beelah Sanaag/Haylaan/Bari aad ay usoo dhaweynayaa shirka beesha Siciid Harti ee ka furmaya magaalada Taleex ee gobolka Sool, isla markaana ay beel ahaan ku taageerayaan aaya ka tashigooda”.

Dhanka kale waxaa isna shir kaa lamida uu ka dhacay magaalaa Badhan ee Gobolka Sanaag halkaasi oo ay isugu yimaadeen Odayaasha ,Isimida,Waxgaradka  iyo Siyaasiyiin ay weheliyaan Ururada Haweenka waxaana uu ahaa mid ay ku tageerayaan shirka beelaha Dhulbahante uga socda degmada Taleex.

Waxaa gobta ka hadlay  odayasha dhaqanka  waxgaradka iyagoo tilmaamay in shirka dhulbahante uga socda talex ay tageersan yihin iyagoo sheegay in ay hiil iyo hooba la garab tagan yihiin,sidoo kale waxaa iyana goobta ka hadlay Cor-Indhayare ,Ayuub baarjeex ,Goodir iyo dhamaan xubnaha kale ee kasoo qayb gashay shirka waxaana ay shegeen iyagoo si kulul ula hadlay Puntland iyo Somaliland in aanay soo fara gashan Shirka Khaatuma 2 ee ka socda degmada taleex.

Shirarkan ay yeesheen Beelaha warsanagli ee ka dhacay Magaaloyinka Bosaso Badhan ayaa noqonaya mid soo xoojinaya shirka Khaatuma 2 ee kasocda taleex halkasi oo ay ku shirayaan beelaha dhulbahante .

Maakhir Media Bosaso

Comments are closed