War deg deg ah:Wafdiga Raysul wasaaraha dowlada KMG ah oo siweyn logu sodhaweeyey magaaladda baledweyn.
BALEDWEYN(MMEDID) Raysul wasaaraha dowlada KMG ah ee somaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa socdaal gaban kutagey magaalada baladweyn ee xarunta gobolka hiiraan.
Wafdiga uu hogaminayo Ray’isul wasaaraha dowlada soomaaliya, ayaa siweyn loogu sodhaweeyey magaalada baladweyn ayadoona aysocdalka kuweheliyaan xubno katirsan golahiisa waziirada,waxana goobtaa kusoo dhaweeyey ciidamada dowladda kumeel gaar ka ah iyo kuwa etobiya.
Safarkan xubnaha sar sare ee dowladda ayaa imanaya adoo dhawaan aygacanta kudhigeen magaalada ciidamadda dowlada KMG ah iyo kuwa ethopia.
Waxaa lagu wada inay indha indheeyaan inta ayjoogaan magaalada ayna tagaan goobaha cusbitaalada iyo xarumaha ciidamada kusugan yahiin, waxama uu noqonaya safarkii ugu horeyey ee xubnaha ugu sareeya kutagaan magaaladda baledweyn oo dhawaan gacanta al-shabaabka baxday.
Wixii wararka iyo warbixinada kalasoco shabakadda maakhir Media.
Mohamed Abdulahi Khalif(shine)
Maakhir Media Network.
