Warbixinka Ku Saabsan Dugsiga H/Dhexe ee Aflax Xiingalool+Sawiro
Dugsiag Hoose/Dhexe Aflax ee ku yaal Magaalada Xiingalool ayaa u diyaargaoobaya Imtixaankii ugu horeeyay ee Sanad dugsiyeedka 2011 ilaa 2012 waxaana dhawaan loo fadhiisanayaa imtixaankii koowaad
Hadaba dugsigan oo ay aas aaseen Qurba joogta Reer Xiingalool eek u kala nool Daafaha Dunaida ayaa noqday mid daboolay baahi ka jirtay Degmada ka dib markii loo baahday iskuulo dheeri ah kuna filaan waayay Dugisga hore ee Dowlada Maxamed Siyaad Bare ay dhistay waxaana ka loo baahday in arday cusu loo helo iskuul ay wax ku bartaana waxana dhexday u xirtay oo hirgeliyay Qurba Joogta Reer Xiingalool oo ay ugu horaysay Jaaliyada Reer Ustareeliya
Dugsigan oo uu Maamule ka yahay Maxamed Siciid Daahir ayaa faah faahin ka bixinaya Ardyda dhigata Dugsiga iyo inta FAsal ee ka Kooban waxanu hadalkiisii Ku bilbaaya sidatan”ugu horayn waxaan aad ugu mahadnaqayaa Warbaahinta Maakhir Media oo nagu soo booqatay Aflax School hadaan usoo noqdo warbixinta iskuulkan waxa lafuray 2010 waxaana hirgeshay Jaaliyada Reer Xiingalool ee debada ha u horaysay ta Ustareeliya tirada ardayda hada dhigataa waa 150 arday 60 gabdhood iyo 90 wiil waxaanu ka kooban iskuulku 6 FAsal 1 Xafiis 2 Musqulood oo midina gabdhaha gaar u yahay midna Wiilasha
Waxaanay kala yihiin 4 Fasal oo ah Dugsiag Hoose iyo 2 Fasal oo ah Dugsiag dhexe. Iskuulku dayr hada ku wareejisan malaha laakiin sida noloo sheegay insha alaah dhawaan ayaa laga yabaa in loo sameeyo dayrka Iskuulka waxaana kharashka iskuulka bixiya isla Jaaliyada Debada waxaanu aad ugu mahadnaqaynaa Jaaliyada debada oo la,aanteed aanu Iskuulku suura galeen
Maxamed Siciid ayaa maruu ka hadlayay Manhajaka Iskuulka sheegay inuu ka mid yahay kan P/land inkastoo aanay caawimaad ka helin dhinaca P/land hadana ka manhaj ahaan waxa uu ku tiirsan yahay ka P/land waxaanu sheegay in sanadka kasta ay soo bataan ardayd dhiganaysa iskuulku oo sanadba sanadka uu ka danbeeyo ay ardaydiisu aad usii badanayso
A.Xaamud
Maakhir Media Xiingalool
