|

Xalmiyey unoqonayan soomaaliya maamul goboleedyada faraha badan..?

QORMO(MMEDIA)waxa soobadanaya tirada maamul goboleedyada kusoobiraya wadanka soomaaliya,ayadoona ayhadajiraan inkabadan 10-mamul goboleed oo wakhtigan lagu kaladhawaaqay.

Maamuladan oo wakhtiyadan soobadanaya ayaa waxa dadka badankooda qaban inaysan xalunoqon doonin marxalada wadanka uumarayo halka qaarna qaban inay xalin doonto dhibaatadii dabada dheeray ee dalka uu soomaray.

Intabadan maamulada oo ananba waxbaka ogayn intooda badan Dowlada KMG ah ayaa waxa aykuwarhelan musharaxinta iyo kudhawaaqida mamamulka ee qeybo kamid ah gobolada dalka soomaaliya, marka an eegno axdiga tastuurka ee dalka ayaa waxa uu qorayaa inay isasoo sharaxi karaan maamul goboledyada ilaa laba gobol iyo wixii kabadan,hada siwaxaa jira maamulo lagu dhawaaqay oo halgool kajira.

Intabadan dhibatada soomaaliya mudada dheer haysatey oo ahay dhanka, qabíilka ayaa waxa hada shaki laga muujinayaa ingobolaysiga keento colaadahi iyo kala qeyb sanantii dalka, ayna goboladaasi gacanta ugalaan dadgaara oo ananba katalo qaadan xukumada somalia.

Inkasta oo ayjiraan niyad wanaag laga dareemi karo madaxda maamulada oo muujinaya inay goboladooda amanka sugayaan, ayna noqon doonan maamul hoostaga dowladda KMG ah ayaa lays waydiinaya xagee looga gudbey tasuurka iyo axdiga KMG ah.

Waxaa cadaan ah inay soobadanayaan rag badan oo doonaya inay halmar kudhawaq qaan inay furteen maamul ugaara oo gobolka matala inkastoo ayjiran durba qaarkamid ah madax dhaqameedka oo arintani shakibadan kaqaba ayagoona sheegaya inay ka walwalsan yahiin gobolaysi.

Dowladda kumeel gaarka ah ayaa ayada kudhawaaq day inay soodhawaynayso cidkasta oo soomarta wadada wadatashiga beelaha aykasojedan musharaxinta jagada loodooranayo ayna soomaraan Xukumada jirta.

Inkasta oo ayjiran iftiimo yar yar øo kasoodhex baxay dhanka maamulada cusub oo ayugu horayso amaanka dalka,waxana cusid mudan inayba yartahay xirka horay uga dhexeeyey maamul goboleedyadi hore iyo dowlada dhexe.

Ugu danbayna arinta ayaa ah mid anan horay ugu dhacin dalka 20-sano ee laga soogudbey ee dalka aykasocdeen dagalada iyo kalaqeyb sananta, waxana tan tahay waji cusub xaladaha mushakilka dalka umarayo.

W..Q.WARIYE Mohamed Abdulahi Khalif(shine)

Maakhir Media Network

Comments are closed