Siyaasiga Maxamed Xaaji Aadan oo ku xidhan ilaa Maanta xabsi ku yaala Garowe
Garowe-MMedia-Magaalada Garowe ee casiimada puntland ayaa waxaa lagu xidhay Siyaasi Maxamed Xaaji Aadan oo isagu kamid siyaasiiyiinta Puntland
Siyaasiga Maxamed Xaaji Aadan ayaa ciidamada Amaanka qabteen isagoo ku sii jeeda Gobolka Karkaar waxaana uu ku xidhan yahay magaalada Gaorowe xabis ku yaala ,lama oga sababaha loo xidhay inakstoo ay wararku sheegayaan in ay ka danbaysay kadib markii uu ka hadlay TV Somaalichannel Barnaamijka Puntland iyo Maanta kaga qayb qaatay khadka Telefonka halkaasi oo uu kaga warbixiyay waxqabadka dawlada iyo Horum la’aanta .
kadibna ciidamada amaanka ay ka kexeeyeen isagoo ku sii jeeda caasimada Gobolka karkaar ee Qardho halkaasi oo ahayd ujeedka socdaalkiisa .
wali war rasmi ah kama soo bixin dhanka dawlada iyadoo ay wararku sheegayaan in wali uu xidhan yahay Maxamed Xaaji Aadan kuna xidhan yahay xabsi ku yaala Bartamaha magalada Garowe ee caasimada puntland lama oga xiliga la sii dayn doono siyaasiga caanka ah .
Maakhir Media Garowe
