Boqor Buur madow oo xoriyadiisa Dib u helay Kadib mudo bil ah oo uu xidhnaa
Dubia-MMedia-Wararka naga soo gaadhay wadankaasi Emaaradka carabta ayaa sheegay in la sii daayay Boqor Buur Madow oo ku xidhnaa dalkaasu mudo bil ah isla markaasina maanta la sii daayay .
Boqor Buur madow ayaa lasii dayay maanta galinkii danbe sida ay sheegayaan wararku iyadoo uu boqor ku xidhnaa wadanka Emaraadka isla markaan ay xidhay dawlada wadankaasi ,iyadoo lagu eedeeyay in uu lug kulahaa arimo ka dhaxeeyay Hogaamiyihii Hore ee Libya Macmar Al qaadaafi iyo in uu lacag ka qaadtay taasi oo dhalisay in lagu tuhmo oo la xidho.
Dhanka kale waxaa iyana looga shakiyay in ay dawlada Somaaliland xidhay taasi oo ay Beesha Boqorka ccodsiyo badan ay u direen in loo so daayo Boqorka waxaana kadib lasoo dayay maanta.
Boqor buur madow ayaa mudo bil ah xidhnaa iyadoo lagu xidhay wadanka Emaraadka taasi oo uu xidhnaa bil iyo dheraad isma markaan lagu tuhmay arimo la xidhiidha Hogaamiyihii Liibiya Macmar Al Qadaafi.
Maakhir Media Hargaysa
