|

Lacag been abuur ah oo Bosaso lagu gubay.

Bosaso(MMedia) Lacag fara badan oo shilin somali ah ayaa maanta lagu gubay gudaha magaalada boosaaso.

Munaasabad ay isugu yimaadeen qaar kamida Musuuliyiinta Gobolka laguna gubayay lacag been abuura ama faaliso ah laguna gubay gudaha Bangiga Magaalada Boosaaso ayaa waxaa kasoo qaybgalay Agaasimaha guud ee Bankiga Puntland Xirsi Maxamed Jaamac,  Maamulaha Bankiga Boosaaso Muuse Xuseen Ducaale, Daahir Cabdalle Maxamuud oo ah khasnajiga laanta Boosaaso iyo Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari Cismaan Xasan Cawke (Af-dalow).

Agaasimaha guud ee Bankiga Puntland Xirsi Maxamed Jaamac oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in lacagtaan oo ahayd 140,000,000 oo shilin somali ah islamarkaana ahayd lacag bug ah faaliso ah lagubay maadaama aysan banaanayn in lagu ganacsado lacag aanan sharci ahayn.

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadalay maamulaha Bangiga Boosaaso Muuse Xuseen ayaa waxaa uu sheegay in lacagtaani oo ay mudo aruurinyeen maantna lagubay ay kutilmaaman tahay astaamo lagu garanayo oo ah in lacagtani ay kasamaysan tahay warqad jilicsan ayna hal lambar wadato geesahana cadaan kuleedahay.

Maamulaha Bangiga ayaa waxaa uu dad waynaha soomaaliyeed uga digay isticmaalka lacagtaan oo ah mid aanan sharci ahayn.

Sikastaba ha ahaate maahan markii ugu horaysay oo lagac faaliso ah lagu gubo deegaanada Puntland iyadoo sanadkii lasoo dhaafay ee 2011 Magaalada Galkacyo lagu gubay lacag tan lamida oo gacan ku samays ah.

Maakhir Media Office News In Puntland.

Comments are closed