|

Muran soo kala dhex galay Masuuliyinta ugu Saraysa Xisbiga UDUB

Hargaysa-MMedia-Iyadoo mudooyinkii danbe ay soo food saartay Xisbiga UDUB ee mucaaradka khilaaf aad u baahsan oo ay ku kala qayb san yihin labada xubnaha Xisbiga taasi oo keentay muran aad u xoog badan oo  qolaba qolada kale ay tageerayso.

Maalmahan waxaa magaalada hargaysa  ka soconayay hadal haynta Xisbiga  UDUB ee mucaaradka ah islamarkaan ay kamid yihiin hadal hayntaasi khilaafka adage e soo  kala dhex galay labada dhican taasi oo noqonaysa mid ay ku muran san yihiin Musharaxa isi soo taagi doona xisbiga udub in lacag laga qaado 300 oo kun oo doolar iyo in  dadku ay soo galaan xisbiga .

Iyadoo taasina dhaliysay muran laysu adeegsaday warbaahinta waxaana ay keentay in laba look ala qayb samo ,waxaa intaasi dheer in la doortay musharax noqonaya Xisbiga UDUB oo loo door tay Aqon yahay Jamaal cali xuseen kuwaasi oo u codeeya intii raacsanayd balse ay wali kala qayb san yihin .

Jamaal cali xuseen waa aqoon yahay ka soo jeeda Somaaliland isla markaana kamid masuuliyinta bagiga caalamiga ah ee kuyaala Tanzania taasi oo ka soo baxay jamaaca Hardford ee wadanka Maraykanka taasina keentay in uu u yimaado dalka si uu xisbiga UDUB uga mid noqdo.

Waxaa kaloo intasi dheer in xubnaha kamida Xisbiga ay sheegeen in qofkii doonaya in uu musharax isu soo taago laga doonayo lacag dhan 300 oo kun oo dolar taasi oo hadhow loo celin doona hadi uu ku guulaysto musharaxnimada .

Arintan ayaa dhalisay khilaaf wayn iyadoo qaar kamida xubnaaha ya diidan yihiin Jamaal cali xuseen iyadoo qaarna ayba ka soo horjeedaan lacagta laga qaadayo dadka muwaadinka ah ee soo gaalaya xisbiga isla markaana aanu ahayn xisbigu iib ama xaraash.

Gudoomiyaha iminka xisbiga mucaaradka ah ee UDUB Daahir riyaale kaahin ayaa sheegay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka soo kala dhex galay Xisbiga  waxa kaloo u sheegay in xisbiga loo wad atartamayo taasi oo la doonayo in xisbiga loola yimaado is badal.

Waxa maalmahan muran wayn u soo dhex galay laba dhinac ee ay kala hogaaminayaan  Cali waran cade iyo Axmed yusuf yaasin madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaaliland waxayna isku khilaafsan yihiin ajandaha Xisbiga iyo sidii loo maarayn lahaa iyadoo Waran cadena u u sharaxn yahay musharaxa Xisbiga.

Hadaba miyaan lays odhan Karin murankan baaxada leh ee soo kala dhex galay  xubnaha iyo masuulyint ugu saraysa Xisbiga  mid laysku af garan waayo o lagu kala qayb samo hadi qoloba qolo isku hadal celiso isla markaana ay wataan musharax gooni ah oo madaxka noqda Xisbiga UDUB.

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed