Midowga africa oo codsanaya ciidamo dheerada oo kamid noqda Amisom
NAIROBI(MMEDIA)warqoraala oo laga soosaray kulanki Maalintii shalay kuyesheen Magaalada Adis Abbaba ayqaatay qarkamida Wasiirada Gashandhiga Dowlada Ciidamada kajoogaan Dalka Soomalaiya kuwaa oo ka arinsanayay dabar goynta Xarakada Al-Shabaab.
Wasiirada kulanka shalay ku yeeshay Magaalada Adis Abbaba ee Xarunta Dalka Itoobiya waxa
ee dalbadeen Ciidamo dheeraad ah oo aad u fara badan kuwaa
ee Midowga Afrika ku doonayaan dabar goynta Al-Shabaab.
Wasiirada ayaana codsaday in Ciidamada AMISOM toradooda la kordhiyo lana balaariyo Hool
galkooda si tirada Ciidamada AMISOM loo kordhiyo lagana
dhigo in kabadan 17,000 oo Askari si eey ugu suurto gasho in Ciidamadaasi Gobalada ku faafaan.
Gudoomiyaha Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Ramtane Lamamra ayaa sheegay in Hool galada Milatari ee kasocda Gudaha Dalka
Soomaaliya wali ka baaran dagayaan sidii loo balaarin lahaa
isbadalana loogu sameyn lahaa si
awooda Shabaab meesha looga saaro.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Kenya la
qorsheenayo in lagu biiriyo Hoolalada Ciidamada AMISOM si loobalaariyo Hool galada Ciidamada
AMISOM oo hada ku eg
Caasimada Soomaliya ee Muqdisho.
Ramtane Lamamra ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay Dagaaladii Ciidamada Dowlada Itoobiya iyo Dowlada KMG ee Soomaaliya kula wareegeen Magaalada Balad
Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Midowga Afrika waxa ee Qaramada Midobay kacodsadeen in Hool galada Ciidamada AMISOM la balaariyo
laguna biiriyo Ciidamada Kenya
ee hada kusugan Qeybo kamid ah Dalka Soomaaliya.
Kulanka Wasiirada Ciidamadooda
joogaan Soomaaliya ku yeesheen Adis Abbaba iyo Hadalka
Midowga Afrika ayaa kusoo aadaya xili ee socdaan hool galo
balaaran ee Dalalkaasi kaga qeyb qadanayan sidii Dagala dhinacyo badan Shabaab loogu
furi lahaa loona soo gaba gabeyn lahaa kooxdaasi oo hada gacanta kuheysa gobolo Badan oo Dalka ah.
Mohamed Abdulahi Khalif(shine)
Maakhir Media Network.
