Qaarkamid ah Hay’adaha xuquqda udooda oo canbareyey dilalka iyo dactiyada logaysto qaxoontiga soomaalida kenya.
NAIROBI(MMEDIA)Koox u dooda xuquuqda aadnaha ayaa waxa ay doonayaan in ciidamadii booliiska ee ka dambeeyay jir
dilo iyo tacadiyo kale oo sida lasheegay laga gaystay xarooyinka
qaxootiga ee Dadab la xiro .
Citizens Right Watch ayaa warqad ay u gudbiyeen xeer
ilaaliyaha guud waxa ay ku sheegeen in ciidamada Booliiska
ay si aan kala sooc lahayn u garaaceen isla markana jir dil
ugu gaysteen dadka xerooyinka ka dib qarax 20-kii bishii
December ka dhacay Xerooyinka kaasi oo looga shakisanyahay inay ka dambeeyeen xarakada Alshabab.
Dadka Xerooyinka ayaa sidoo kale kooxdaa u sheegay in
ciidamada booliiska ay kufsi u gaysteen laba haween ah
islamarkaana waxa ay booliska boobeen ganacsiyo.
Citizens Right Watch oo ah hay’ad saldhigeedu yahay magaalada Garissa ayaa waxa ay ku
andacootay in booliiska ay
weerareen dadka shacabka wax
yar uun ka dib markii uu qaraxaasi ka dhacay Xerada Ifo
gaar ahaan suuqa loo yaqaano Bosnia market.
Agaasimaha hay’adani udhaqdhaqaaqta xuquuqta aadnaha ee Citizens Right Watch
mr Cabdi Wali Maxamed ayaa
sheegay in laba qof ay udhinteen dhaawacyo ka soo gaaray jir dil ay booliiska ugaysten.
Taliyaha Booliiska ee gobolka Woqooyi bari ayaa xaqiijiyay in
halkaasi Booliiska ay howlgalo ka fuliyeen hasa yeeshee bartilmaameedkoodu uu ahaa oo kali ah danbiilayaashi falka kadanbeeyay.
Maamulka gobolka Woqooyi bari ayaa sheegay in ay baaritaano ku
samayn doonaan eedaymaha la
xiriir jir dilka iyo tacadiyada kale
ee la sheegay in ay Booliiska ugaysteen dadka xarooyiinka.
Bishii aanu soo dhaafnay Wasiirka Amniga Gudaha Prof
jooj Saytooti ayaa waxa uu booliiska uga digay in howlgalka booliiska ee ka dhanka ah
xarakada Alshabab aan lalabar tilmaamedsan qoomiyad gaar ah isla markaana aanan
wax jir dil ah loogu gaysan dadrayid ah.
Mohamed Abdulahi Khalif(shine)
Maakhir Media Network
