Mitt Romney oo kuguulaystay doorashada Gobolka Lowa ee Maraykanka.
Lowa(MMedia)Waxaa kuguulaystay doorasha xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka Iowa ee dalkaasi Mitt Romney oo usoo baxay doorasha Dalkaasi ka dhici doonta xukunka Abama kadib.
Mitt Romney oo ay loolanka kula jireen Rick Santorum, iyo Ron Paul Ayaa kaga guulaystay doorasha xisbiga ee gobolka Lowa iyadoo uu kasareeyay 8 cod oo kaliya Rick Santorum oo kaalinka labaad galay halka kaalinta sadexaadna uu qaatay Ron Paul.
Romney oo kamida musharixiinta ugu cad cad xisbiga jamhuuriga lana tilmaamo inuu yahay in cadaalad badan awoodan u leh inuu kaga guulayto doorashada dalkaasi madaxwenaha maraykanka ee Obama ayaa waxaa uu kaga guulaystay musharixiintii kale ee kula tartamaysay codad gaaraya 122,255 isagoo helay 30015 cod halka ninkii kusoo xigay ee Rick Santorum oo latilmaamay inuu yahay nin ad adag ay u dhaxaysay 8 cod oo kaliya uuna helay 30007 oo cod sida ay shaaciyeen golaha doorashoyinka ee Gobolkaasi.
Rick Santorum oo galay kaalinta labaad ee doorashada ayaa waxaa uu helay 25% halka Ron Paul oo galay kaalinta sadexaadna uu heley 21% Newt Gingrich ayaa isna helay 13% codadka isagoo natiijada kaga Rick Perry oo helay 10% Michelle Bachman oo isna kamid ahaa musharixiintuna waxaa uu helay 5% codadka.
Dadka Gobolka Lowa ayaa Maalintii talaadada waxaa ay diyaar garow wayn ugaleen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashooyinka xisbiga jimhuuriga ee Gobolkaasi.
Natiijooyinkaani ayaa waxaa ay usahlayaan Mitt Romney iyo Rick Santorum inay kaqaybgalaan doorashoyinka dalkaasi iyadoo dhawaan la filaya in doorashooyinka lamida tan gobolka ka dhacaday lagu qabanayo Goblka New Hampshire.
Sikatba ha ahaate waxaa la dhawrayaa natiijada kasoo baxada doorashooyinka Gobolka New Hampshire iyadoo uu sheegay Rick Perry inuu ka fiirsanayo isku sharixitaanka doorashada Xisbiga jamhuuriga iyadoo dhanka kalana latilmaamay inuu dib uga laabanayo is sharixiitaankiisa maalmaha soo socda.
Maakhir Media Lowa.
