|

Wasiirka waxbarashada Galmud oo la afduubtay Maanta

Gaalkacayo-MMedia=Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacayo qaybta Koonfureed ee looga arimiyo maamulka Galmud ayaa sheegaya in maanta la afduubtay wasiirkii waxbarashada ee dawladaasi iyadoo ay afduubteen kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garanayn.

wararka ayaa intaa ku daraya in Burhaan Warsame Cigaal oo ahaa wasiirkii waxbarashada ee mamulka Galmudug ay maanta kooxo hubeysani afduubteen xilli uu ku sugnaa magaalada Galkacyo ,sidoo kale waxa la sheegayaa in kooxd afduubatay uu ka dhaxeeyay muran xoogle .

lama garanayno wali dadkii afduubtay wasiirka iyo halka uu ku sugan yahay iyadoo aan wali wax wara kasoo bixin dawlada Galmudug  wasiirka la afduubtay hadana wax talaaba ah oo arinkaasi ku saabsan may qaasin .

Maakhir Media Gaalkacayo.

Comments are closed