|

Madaxweyne Ku Xigeenka S/land Oo ka Qeyb Galay Shir lagu Shaacinayay Dhaqan Galka Qorshe Shan Sanadoodle ah

Hargaysa(MMedia) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay kulan balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada qorshaynta qaranka isla markaana ay ku soo bandhigaysay Qorshayaasha Waxqabad ee shanta sanno ee soo socda ee 2012-ka ilaa 2016-ka kaas oo lagu qabtay Huteelka Maansoor.

Shirkan waxa ka qayb galay Xubno ka tirsan golaha wasiirrada, Mas’uuliyiinta Golayaasha Qaranka, Wakiilo ka socday Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Wadaniga ah iyo marti sharaf kale .
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Horumarka ee Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo madashaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer u sharaxay goobaha uu taabanayo Qorshahan waxqabad ee ku tallo galkiisu yahay in laga fuliyo Somaliland mudada shanta sanno ah ee soo socda.
Wasiirku waxa uu sheegay in qorshani ku salaysan yahay shan tiir oo kala ah Wax soo saarka,Dhaqaalaha,Dawlad wanaaga,Arrimaha Bulshada, iyo Ilaalinta deegaanka iyo weliba Todoba Mab’da oo sal dhig u ah .
Wasiirku waxa uu xusay in wax soo saarka guud ee Somaliland lagu qiyaaso inuu yahay 1.1 ilaa 1.2 Bilyan oo Dollar, isla markaana marka loo qaybiyo tirade dadkeena ay qofkiiba ku soo hagaagayso 300 ilaa 350 dollar .
Dr Sacad Xaaji Cali Sjire waxa uu ka hadlay siyaabaha ugu haboon ee looga faa’iidaysan karo khayraadka kala duwan ee dalkud leeyahay oo u baahan sida uu sheegay karti iyo dadaal ka badan sida maanta la yahay,isagoo intaas ku daray inaan lagu guulaysanayn Qorshahan haddii aan si wada jir ah aanay uga hawl galin hay’adaha dawlada ee ay khusayso.
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranku waxa uu carabka ku dhuftay sida loogu baahan yahay in la xoojiyo sharciga lagu hagayo baananka oo golaha wakiilada hor yaala mudo Sannad ka badan kaas oo ka dhigaya baanka dhexe ee dalka inaanay sharciyadiisu ahayn mid sugan isla markaana bixin Karin wax ruqsad ah oo la siiyo baananka gaarka ah ee Xarumo ka furan lahaa dalka.
Dhinaca kale Xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD Prof. Maxbuub Macalin ayaa sheegay in qorshahani uu wax badan ka bedelayo Kaabayaasha dhaqan dhaqaale ee Somaliland, waxaanu xusay in urur goboleedka Igad ay soo dhawaynayaan hindisaha uu qorshahani xambaarsan yahay isagoo tilmaamay in Urur Goboleedka IGAD ay doonayaan sidii looga dhabayn lahaa fulitaanka qorshahan.
Dhinaca kalena. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (Saylici) oo gaba gabadii kulankaasi hadal ka soo jeediyay ayaa u mahad celiyay Wasiirka Qorshaynta Qaranka,Urur goboleedka IGAD, hay’ada UNDP iyo cid kastoo kala qayb qaadatay soo bandhigida qorshahan oo wakhti badan loo huray.
waxa uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) uu hirgelinta qorshahan qalinka ku duugay maalintii Khamiistii ee Todobaadkii Hore .

Md. C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu xusay in marka laga hadlayo qorshayni ay ka bilaabanto Qoyska ilaa ay u gudubto Qaranka, isagoo intaas ku daray in ay u arkeen sida ugu haboon ee qorshahani ku hirgeli karo inay tahay iyadoo bulshada si siman looga qayb galiyo maadaama uu taabanayo noloshooda guud .
Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu ugu baaqay shacbiga Somaliland sidii ay ugu garab joogsan lahaayeen Xukuumada hirgelinta odoroska qorshahan oo laga dhabayn karo marka iskaashi mug lihi uu dhex maro dawlada iyo dadweynaha isagoo intaas ku daray in laga bilaabo maanta ay si rasmi ah ugu dhaqmayaan ku shaqaynta qorshahan shanta sanno ee soo socda loogu tallo galay in lagu hago dalka

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed