|

Saan saan dagaal oo lagadareemayo gobolada baay iyo bakool

NAIROBI(MMEDIA)Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Deegaano kamid ah Gobolkaasi ee kusugan yihiin Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya markan si weyn looga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan.

Ciidamada Dowlada ee Gobolkaasi ku sugan ayaa markaan iyaga isku diyaarinaya Duulaano ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab iyaga oo gacan ka helaya Ciidamo Itoobiyaan ah oo gobolkaasi saacadihii ugu danbeeyay kusoo qul qulyay.

Wararka aan ka heleyno Deegaanada ee kaga Sugan yihiin Gobolkaasi Ciidamada Dowlada ayaa sheegaya in Ciidamadu hada Diyaar garow buuxa ku jiraan eena doonayaan in ee afka saaraan Deegaanada ku dhaw dhaw ee Shabaabka maamulan Gobolkaasi si Dagaal ula galaan.

Dhaq dhaqaaqa Ciidan iyo Diyaar garowga Dagaal ayaa la sheegay in uu yahay mid ee gadaal ka riixayaan Ciidamada Itoobiya oo doonaya in duulaan lagu qaado Goobaha Shababa gobolkaasi kaga sugan yihiin.

Dhawanahan ayaa waxa dowladda KMG ah aykubaqaysey dagaalo kadhan ah alshabab oo aysheen inay kasafayn doonan wadanka.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network

Comments are closed