Sheikh sharif “shabaab waa inay hubka dhigaan wada hadalna udiyaar garobaan
muqdisho(MMEDIA) hadal kulul oo kasoobaxay madaxweynaha jamuuriyada somaliya ayaa waxa uu sidheer uga codsaday shabaab inay hubka dhigan ayna qaatan wada hadal dhex mara umada soomaliyed.
Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya shiikh Shariif Shiikh
Axmed ayaa hadalkan jeediyey maruu kahadlayey xafiiskiisa saxaafada shir jaraa’id ug qabtay ayaa baaq
hanjabaad umuuqday udiray dhaqdhaqaaqa sida weyn uga
soo horjeeda dowlada DKMG ee Soomaaliya ee Al-shabaab xili
dagaalo dhinacya badan lagu soo qaaday Al shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa
uu ugu baaqay Al-shabaab inay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan umada Muslimka ah oo
ay hubka sharci darada ah ku dhexheestaan iyo inay joojiyaan soo dhaweynta ay
usameenayaan dadka ajnabiga ah ee ku soo qulqulaya dhulka
soomaaliya.
Madaxweynaha waxa uu baaqiisa intaa ku daray inay hubka dhigaan iskuna
diyaariyaan wada xaajood ay lagalaan dowlada KMG Soomaaliya si midnimo buuxda
loo gaaro dhibatadane looga
yareeyo bulshada Soomaaliyeed.
Shiikh Shariif waxa uu sheegay in dowlada KMG ee Soomaaliya ay
masuulkatahay hirgelinta diinta
islaamka, ilaalinta dhulka Soomaaliya, hormarinta arimaha
bulshada ay ugu horeyso wax
barashada iyo dhamaan adeegyada kale ay ubaahanyahiin shacabka Soomaliyed.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa
uu sheegay cidaan ahayn dowlada KMG inaysan masuul
kanaqa karin hirgelinta diinta
islaamka waxa uu intaa ku daray
inaan la aqbali karin dad gaara inay dhahaan waxan
hirgelineynaa diinta islaamka .
Si kastaba hadalkan kasoo baxay
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa
u muuqda mid aan sinaba ugu cuntamen Kooxda Al-Shabaab
oo si weyn uga soo horjeeda Dowlada Shiikh Shariif uu
Hogaamiyo iyo Ciidamada Shisheeye ee Dalka kusugan.
Hadalkan kasoobaxay Madaxweynaha ee ku
aadan in Shabaab hubka dhigaan
ayaa kusoo aadeysa Xili Dar dar xoogan Wdaaan Ciidamada
Dowlada oo garab ka helaya Ciidamada Kenya iyo Itoobiya
kuna fiday Gobolo iyo Deegaano hor leh eesan horey Cidamada
Dowlada u joogin.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network
