|

Xildhibaan ilka dahab “Maaha in madaxwaynaha uu soo fara galiyo Baarlamanka dhexdiisa “

Muqdisho-MMedia-Xildhibaaan kamida xildhibaanada Baarlamanka Somaaliya ayaa ka jawabaay hadal uu madaxwayne xalay jeediyay isagoo uu ku sheegay in xilka laga qaaday Gudooomiyihi Baarlamanka Somaaliya Shariif xasan shiikh Aadan .

Xildhibaan ilka dahab ayaa sheegay in uu madaxwaynaha deg degayo isagoo sheegay in uu faraha la soo galay Baarlamanka dhexdiisa geesta kalena  madaxwaynaha ayaa difaacayo gudoomiyaha sida sharcciga ah looga qaday xilka waxaa kaloo uu sheegay in baarlamanka ay aayahooda ay ka tashadeen iyo horumarka dalka .

“Arinta ma ahan arin u taalo madaxweynaha mana soo faragelin karo, baarlamaanka iyagaa doortay iyaga ayaana xilka ka qaaday, waxaan ka xumahay in madaxweynaha uu yiraahdo dad aanan xildhibaano aheyn ayaa lasoo aruuriyey, anaga waxaan heynaa cajaladi laga duubay shirki 13-ki bishi December”Xildhibaan ilka dahab ayaa yidhi hadalkaa.

Xalay ayay ahayd markii Madaxwayne shiikh shariif uu ka hadlay xilka qaadista Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif xasan shiikh adan taasi oo uu tilmaamay in aanay ahayn sharci balse loo baahnaa dhex dhexaad in la sameeyo,hadalka madaxwaynaha ayaa imanaya iyadoo  dhawaan xilka ay ka qadeen xildhibaano 200 kor u dhaafayaytaasi oo ay ku macneeyeen in uu xilkuu afhayeenka Baarlamanka ka soo bixiwayay.

Comments are closed