|

Kenya “Somaliya waxaan u qabanaynaa Shir looga hadlayo xaalada wadanka iyo Burcad badedada

Nairobi-MMedia-Wararka ka imaanaya wadanka Kenaya ayaa sheegaya in Masuuliyinta ugu saraysa Dawlada ay sheegeen in ay qabanayaan shir looga hadlayo Somaaliya .

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Kenya ay damacsan tahay in ay qabato shir weyn looga hadlaayo xaaladda Soomaaliya iyo dhibaatooyinka burcad badeeda ay ku hayaan biyaha geeska Africa.

Warkan oo laga soo xigtay wasaarada arimaha debeda ee Kenya ayaa waxa ay sheegtay in uu shirkaasi dhici doono 9-ka bisha February,  isago socon doono ilaa iyo tobanka bishaasi, waxana ay sheegtay wasaaradda Arrimaha dibadda in ay kasoo qeyb galayaan wafuud heer caalami ah.

Dawlada wadanka Kenya ayaa ka dhawaajisay in shirkan ay qabanayso ee loga hadlayo Somaaliya laga hadli doono xaalada Somaaliya iyo Ladagaalanka Burcad badeeda Somaalida ee ka qawlaysata xeebaaha Somaaliya .

Shir noocani oo kale ah ayaa iyana waxaa ku dhawaqday in ay qabanayso dawalda wadanka Ingriiska iyadoo sheegtay in shirkani yahay mid looga hadlayo danaha iyo aayaha Somaaliya madaama ayay dheheen saraakisha wadankaasi in xaalada Somaaliya ay tahay mid qalafsan oo ay hadhaysan Argagixiso iyo Burcadbadeen ,taasina ay khatar ku tahay degenaanshaha wadamada yurub iyo Geeska Afrika .

iyadoo ay lugaha kula jirto Dawlada kenya dhulka Somaaliya oo ay waliba dagaal kula jirto Al shabaab ayay hadana ku dhawaaqday in ay qabanayso shir caalami ah kaasi oo ay uga xog waramayso xaalada Somaaliya iyo dagaalka ay kula jirto alshabaab.

Maakhir Media Kenya

Comments are closed