|

Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis

Minnesota-MMedia-Waxaa dhamaan la ogaysiinayaa bulshawaynta reer Maakhir ee ku sugan Minnesota in laqabandoono shir sanadka cusub biloowgiisa markay taariikhdu tahay January 7, 2012 Shirkan oo lagaga hadli doono waxyaalo badan oo khuseeya wadankeenii hooyo gaar ahaana arimaha horumarita bulshada iyo degaanka ee ay ugu horayso Jaamacada Maakhir oo iyadu biloowgeedii ay lahaayeen reer Minnesota.

Shirkani wuxuu noqon shir lakowsada sanadka cusub islamarkaana soo dhoweeya sagootiyana kan tegay. Waxaa shirka lagu iftiimin doonaa wixii dhacay, waxa lagu sugan yahay iyo waxa lafilaayo mustaqbalka saadaashiisa.  Shirku wuxuu sidoo kale noqonayaa sida shirarka intabadanba lagu bartay mid khudbado laga dhagaysto, warbixina laga dheehdo, ugudanbayna dood wadaagna lagu yeesho si laysula niqaasho halkay marayso iyo waxa imandoonaba.

Goobta shirka iyo saacadaha waa sidatan soo socota:

Goobta:

2515 26th Street Minneapolis, MN 55406

Minnehaha Adult Daycare Center

Saacada iyo cishada shirkudhacayaa waa:

1:00PM —– 6:00PM

January 7, 2012

Wixii tilmaan ah hadii aanad aqoon goobta shirka waxaad kala xidhiidhaysaa xubnaha hoos ku qoran iyo telephone-kooda.

Sugulle Warsame Sugulle 612-226-5375

Ahmed Abdow  612-423-4216

Ahmed Ali Kaatun  612-701-8487

Waad mahadsantihiin

Gudiga qabanqaabada shirka

Comments are closed