|

Weraro gilgiley kala wareega sanadka magaaalada garisa, ee xarunta gobolka waqoyi bari kenya.

garissa(MMEDIA)Wararka naga
soo gaaraya magaalada Garissa
ee xarunta Gobolka Woqooyi bari ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay 4- qof isla markaana lagu dhaawacay 31- qof.

Rag hubaysan ayaa waxa ay weerar ku qaadeen baar lagu
magacaabo Luka oo ku yaala bartamaha magaalada Garissa
halkaasi oo ay rasaas ku fureen dadgoobta jogay oo kamid ah gobaha clubka.

Dhacdadani oo sida uu sheegay wardiyihii goobta Club-ka oo
qudhiisa dhaawac soo gaaray lana hadlay warbaahinta ayaa dhacday saacadu markay ahayd 12:00- saac ayaa waxa halkaasi ku dhintay laba qof.

Waardiyihii goobta Club-ka ah ayaa u shegay wariyahayaga
Garissa in uu baarayay dadka soo galayay Club-ka markaasi oo nin hubaysan uu soo galay uuna isaga ku bilaabay xabadda, ayna uga dhacday garabka markii uu
dhacayna uu bilaabay in uu rasaas ku furo dadkii gudaha
Baarka ku jiray .

Dilalkani oo si gooni gooni ah u kala dhacay ayaa waxa ragani hubaysan ay ku toogteen xaafada Jaribu Hal qof ,halka
rasaas ay ku fureen gaari Taxi ahaa uu ku dhintay hal qof taasi
oo tirada dhimashada ka dhigtay 4 qof .

Qasaaraha inta badan ayaa waxa uu ka dhacay goobta Club-ka ah oo ay ka socotay dabaal daga sanada cusub ee 2012ka.

Mohamed Abdulahi Khalif(shine)

Maakhir Media Network

Comments are closed