|

Maradona oo jawaab kulul ujeediyay Pele.

Sports(MMedia) Tabaraha kooxda Al Wasl Diego Maradona ayaa sheegay in da’da sii weynaaneysa ee Pele inay saameyn ku yeelaneyso sida uu wax u qiimeeyo, ka dib markii Pele uu mar kale u diiday Messi inuu yahay laacibkii ugu fiicnaa ee dunida soo mara.

Xiddigii hore ee Santos ayaa sheegay in Messi uu marnaba soo gaari doonin heerkii uu isaga gaaray, lakiin hadalkaasi waxaa wax lagu qoslo ku tilmaamay xiddigii hore ee Napoli, ka hor inta uusan wax ka sheegin da’diisa 71 jirka ah.

“Waxaa laga yaabaa inay arintan la xiriirto da’diisa sii weynaaneysa inay saameyn ku yeelato sida uu u shaqeeyo” ayuu Maradona ku jawaabay.

“Ma dhaleeceyn kartid Pele, sababtoo ah waxba ma uusan qaban 20kii sanno ee ugu danbeysay.

Xitaa kuma arkin isagoo suuqa ka soo adeeganaya. Ma aqaan waxa uu qabto”

“Inta badan marka aad aragto waxa uu joogaa xafladaha isagoo garab taagan madaxweynaha FIFA, waxaana uu u egyahay boombale lagu dhaqaajinayo remote meel fog laga xukumaayo” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Sidaasi darted, hadaladii uu dhawaan sheegay la yaab iguma ahan”

Maradona iyo Pele ayaa in muddo ah uu u soo dhaxeeyay weerar dhanka afka ah, iyadoo koodii ugu danbeeyay uu ahaa markii ay isku qabteen cida fiican Neymar iyo Lionel Messi.

Maakhir Media Sports.

Comments are closed