Aabe wiilkisii shabakadda facebook ka’iibgeeyey.
LAYAAB!
(MMEDIA) nin udhashay wadanka
sucuudi arebia ayaa ku kacay falka yaabiyey inta maqashay aduunka ka dib markii uu
aabahaas wiilkiisa oo
beec ah ama uu gadaayo uu galiyey bogiisa Facebook
asagoona ku codsadey wiilkiisa uu yahay iib (he is for sale) uuna
ku’iibinayo lacag gaareyso ilaa
iyo 20 malyuun oo doollar.
Aabahaan oo udhashay dalka
sucuudiga, oo lagu
magacaabo Saud bin Nasser AlShahry ayaa sida ay qortey
jariidada ‘Al Sharq’ ee ka soo baxdo dalkaas Qatar oo sida ay
sheegtay jariidadaasi uu u waramay ninkas ayaa maxkamad
ku taal dalkaas Sacudigu ay xirtey
ganacsigiisii
oo ahaa shirkad soo ururinta deymaha iyadoo kutilmamtay
maxkamaduna
shanaqada ninkaas mid sharci daro ah.
waxaa la sheegay
inuu wiilkiisa beec ahaan u galiyey websiteka Facebook
asagoona kuradinayey wiilkas qiimo gaaraayo ilaa iyo 20
malyuun oo doolar.
Ibka wiilka ayaa waxa uu Aabahaan ku macneeyey falkaas
uu ku kacay inuu u sameeyey si uu uga
badbaadiyo xaaskiisa iyo gabadhiisa inay ku noolaadaan faqri iyo nolol xun oo liidato,
iyadoona sida la sheegay ay qoloyinka ceyrtu u diideen inay
caawiyaan.
Asagoona lasheegay inay’da’diisu ka weyn tahay 35 sano da’daas oo ah xadka u yaala
dalkaas in la siiyo kaalmo ama la
caawiyo taasina tahay sababta uu ugu kacay falkani.
Abaha arintaas ku
dhaqaaqay ayaan waxaa la ogeyn sida ay u suuro gali karto
arintaas maadaama uu dalkaas Sacuudigu ay ka mamnuuc tahay
ka ganacsiga ama ibiinta dadka bini’aadanka ah, iyadoo sidoo kalana ay bogaas ama websiteka Facebook ay ka mamnuuc tahay
in lagaliyo xayeysiin noocaas oo
kale ah.
Aabahaan oo iibinta wiilkiisa kuxirey sharuuda kaliya ee ah
inuu ogaado qofka iibsanaayo wiilkiisa halka ama meesha uu ku nool yahay ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inuu jeclaan
lahaa inuu arko lacagleeyda carabta ah oo ka caawiyo
dhibaatada lacageed ee soo foodsaartey ninkaas.
Waxana arintani noqotay mid
ugu hadal haynta badan dalkaasi,
iyo warbaahinta carabta oo sheegay inay sababta ku kaliftey tahay lacag la’an iyo faqiirnimo.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network.
