|

Midowga africa oo sheegay inay guulo kagaareen dagaalada soomaliya

NAIROBI(MMEDIA) waraysoo sareen Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in
hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya uu sanadkan ahaa mid
si fiican loogu guuleystay islamar kaasna hawlgalada askarta ay Midowga
Afrika u direen Somaliya uu guul garey.

Midowgu waxa uu sidoo kale tilmaamay wadamada sanadkan
gudihiisa aadka u dhibaatooda
misna xal kale duwan loo helay ay kamid yihiin Somaliya, Libya
iyo Sudan oo uu ku sheegay in sanadkan sii dhamaanaya ay
wadamadaas ku ruux baxeen kumannaan dad rayid ah.

Ururka golaha ammaanka iyo
Nabadda Midowga Afrika ayaa magalada Adis Ababa xarunta
dalka Ithopia ka sheegay in hawlgalka midowga Afrika ee
sanadkan uu ahaa mid siwanagsan loo gaaray hadafka
laga lahaa in xal loogu helo Somaliya.

El Ghasim Wane oo ah agaasimaha nabada midowga africa ayaa
warsaxaafadeed sanadle ah Adis Ababa ayaa waxa uu sheegay in si wanagsan ay uga guuleysten hadafka askarta Midowga Afrika u tageen gudaha dalka Somaliya, waxa uuna intaasi ku daray in
guul muuqata ay soo hoyeen wadamada Uganda iyo Burundi
oo magaca AMISOM ku mideysan.

“waxaanu sanadkan helnay guulaha ayciidamadayda kagaren dagaalada argagixisada,waxana ciidamadu gareen hafki ay utageen wadanka ayuu yiri,
agaasimaha Golaha amniga iyo nabada AU-da.

El Ghasim Wane waxa uu tusaale u soo qaatay cadeyn ah in
magalada Muqdisho ayka xureeyen waxa uu ugu yeeray
argagixisada caalamiga ah ee
Somaliya ka dagalanta iyo sida fudud ay Muqdisho oo dhan ugu saaren.

Mohamed Abdulahi Khalif(shine)

Maakhir Media Networj.

Comments are closed