Raysal wasaare Gaas iyo Madaxwayne Faroole oo soo maray Saaka Qardho Carmana ku sugan
Bosaaso-MMedia-Wafdi balaadhan oo ay hogaaminayaan Raysal Somaaliya C/wali maxamed Gaas iyo Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan shiikh maxamed faroole ayaa ku sugan degmada Carmo ee Gobolka Bari halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay iyadoo uu qudbado kala duwan ay ka jeediyeen Kuliyada taba barka ciidanka ee Carmo.
Wafdigan baladhan ayaa si aada loogu soo dhaweeyay magaalada Carmo oo 100 KM u jirta dhanka koonfureed magaalada Bosaso , Waxaana ka qayb qaatay soo dhawaynta ardayda ,haweeka ,dhalinyarada ,qaybaha kala duwan ee ururada bulshada iyo dhamaan laamaha amaanka oo ugu horeeyo maamulka Gobolka Bari .
Wafdiga ayaa u sii soconaya magaalada Bosaso oo ah halka uu yahay u jeedka socdaalka iyadoo diyaar gorow aad u balaadhan uu ka soco magaalada Bosaso si looso dhaweeyo Wafdiga balaadhan ee ay hogaaminayaan madaxwaynaha Puntland iyo Raysal wasaaraha Somaaliay.
wararka iminka naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in Wafdigii ay u anababaxeen magaalada Bosaso ee xarunat Gobolka Bari iyadoo halkasina loo diyaar garoobay sidii losoo dhawayn laha ,amaanka ayaa isna la adkeeyay iyadoo ciidanka amaanka aya ku xoogan yihin si aan halka khasaare uga dhicin.
Maakhir Media Carmo.
