Syria oo kasoohor jeesatey inay kormeera yaasha calamiga booqdan gobo kamid ah wadankasi
SYRIA(MMEDIA)Kooxo kormeerayaal ah oo ka socda
ururka Jaamacada Carabta ayaa gaaray wadanka Syria, si loo soo afgara jaro rabshadaha dalkaasi
ka taagan oo ay dad badani ku dhinteen intii uu socday
Mucaaradka Dalkaasi ee banaan baxyada ayaa doonaya in ay
booqdaan kormerayaasha
magaalooyin badan oo ku yaala dalkaasi kuwaas oo ay sheegeen in xukuumada Bishaar Al;Asad ay ka gaysaday Gabood falyo badan.
Hogaamiye u hadlay mucaaradka dalkaasi ayaa sheegay in
kormeerayaashani ay ku dageen Hotel ku yaala magaalada
Xumus ,isla markaana ay xukuumada bishaar Al; Asad diiday in ay u galaan gudaha
magalooyinka kale ee dalkaasi Waxa uuna ka codsaday Ururka
Jaamacada Carabta iyo Qaramada
Midoobay gaar ahaan xoghayaha guud ee QM in ay faragalin
caalami ah ku sameeyaan xukuumada bishaar al:Asada si looga hortago kumanaanka kun ee dhiigoodu maalin waliba ku
daadanaya dalkaasi Siiriya.
Waxaa kaloo uu sheegay inay hogamiyahasi u hadlay mucaaradka siiriya in wafdigaasi
aysan haysan baabuurtii ay
gudaha ugu gali lahaayeen dalkaasi siiriya ayna maxabiis u yihiin xukuumada bishaar Al:Asad.
Dhanka kale Afhayeen u hadlay Wazaarada Arimaha Dibada ee
dalka Siiriya ayaa sheegay in wafdigan ay si weyn u soo
dhaweynayaa waxaaa uuna tilmaamay in ay meel kasta tagi
karaan oo ay howshooda la fulin
doonaan.
Hay’ada Q.M ayaa rumeysan in rabshadaha ka taaagan dalkaasi
Siiriya ay ku dhinteen 5 kun oo qof,tiro kabadana aykudhac meen.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media.
