Qarax lagu soo riday Bac oo ay fashiliyeen ciidamada Amaanka Bosaaso
Bosaso-MMedia-Magaalada Bosaaso ee caasimada Gobolka Bari ayaa maanta ciidamada Amaanka puntland ay fashiliyeen Bac laga soo buuxiyay walxaha Qarxa taasi oo la dhigay wadada isku xidha Airport-ka Bosaso iyo Magaalada .
Bacdan laga soo buuxiyay waxyaalaha Qarxa ayaa la dhigay wadada aada garoonka diyaaradaha iyadoo ay ciidamada amaanka gaadheen goobta waxaana lagu guulaystay in gacanta lagu dhigo bacdii oo aan qarxin .
Ciidamada ayaa isku geedaamay goobta uu bacda walxaha qarxaa ay ka buuxaan iyadoo bacdii laga qaaday meesha isla markaana ay ciidanku geeyeen xeebta magaalada bosaso halkaasina lagu qarxiyay ,waxaan ay laamaha amaanka sheegeen in aaanay bacdaasi wax khasaare ah gaysan iyado ay sheegeen in ay ku guulaystaan in ay ku qarxiyaan meel aan cidi joogin.
Shalay ayay ahayd markii ciidmada miina baadhista lala eegatay qarax halkaasi oo uu ku dhintay halk askari laba kalena ay ku dhawac meen .
Amaanka magaalada Bosaaso ayaa si aada loo adkeyay iyadoo uu kusoo fooleeyahay wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Raysal wasaaraha Somaaliya iyo xubno wasirro puntland ah iyadoo ciidamada amaanka Bosaso ay goob kasta oo ay ka shakiyaan Baadhayaan.
Maakhir Media Bosaso
