|

Shirkada TELESOM oo soo bandhigtay Adeega Kaafi oo ah adeeg Cusub+Sawiro

Hargaysa-MMedia-Shirkaad isgaadhsiinta ee telesoma iyo Salaama Fainancail Serveces  ayaa maant daahfurtay adeega carsi ah oo la magic daray  Kaafi kaasi oo aad moopeelkaaga ku isticmaali kartid lacagta aad dhiganayso Baanka Salaam  iyadoo adeegani yahay mid ay soo kordhiyeen Telesom iyo Salama

Munaasabada daahfurka waxaa kazoo qayb galay masuuliyin ka tirsan  shirkada isgaarsiinta ee Telesom iyo Salaama Fainancail Serveces    halkaasi oo ay kalmado kala duwan kazoo jeediyeen oo ay kaga hadlayeen adeega kaafi .

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay C/salaam  Ismail  salax  oo ah madaxa suuq gaynta iyo xidhidhka dadwaynaha ee  shirkada isgaarsinta ee Telesom isagoo amaanay sida ay ugu hagar baxdo shirkadu adeegyada kala duwan ee ay hadba bulshadeeda u keenayso iyadoo uu adeegan kaafina ka mid yahay adeed yada ay soo bandhigtay TELESOM.

Sidoo kale waxaa isna goobta daahfurka ka hadlay  maxamed ibraahim oo ah madax Salaama Fainancail Serveces  oo ka warama adeega kaafi  iyo wax qabadkiisa iyo faaidad u leeyahay  Salamaa ,waxaana u sheegay in ay muhiim u tahay bulshada

C/qani xariir oo kamid shaqaalaha Salamaa ayaa ka sheekeeyay adeegan cusub halka uu ka yimi iyo sida  ay salaamaa ugu suurta gashay in aad lacag adigoo moobilkaaga siya u dhigan karto ,waxaana uu sheegay in ay iska kaashadeen adeegan labada shirkadood waa saalama iyo TELESOM.

Gab gabadii  madasha waxaa  ka hadal  dheeri ah ka jeediyay  Madaxa adeega Zaad   C/raxmaan Aadan Shire waxaa uu tilmaamay in adeegan manta la daah furay  uu sahlay adeega saad isagoo tilmaamay in aad lacadgta dhigan karto Salaama  adigoo moobilkaaga ay lacag kugu jirto waxaa kaloo  sheegay in adeega kaafi aad ku ganacsan karto kalana bixi karto akoonkaaga ,gaba gabadii waxa uu tilmaamay in adeega kaafi uu yahay u sahlaha in aad bankiga salaama moobilkaaga  lacag ku  dhigato adigoon xawalad tagin.

Isku soo wada duubo adeegan cusub ee ay furtay shirkada isgaarsiinta ee Telesom  ayaa noqonaya mid casri ah oo laggu magacaabo Kaafi  kaasi oo kuu suurta galinaya in  adooo moobilkaaga lacag ka diraya in aad Salaama bank wax dhigan karto

Maakhir Media Hargaysa

Comments are closed