|

Qardho oo lagu qabtay shirweyne wadatashi shacabka Gobolka Karkaar (Sawiro/Warbixin)

Qardho-MMedia-Waxaa maalintii (25.12.2011) lagu qabtay degmadda Qardho shir weyne ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee waxgaradka gobol karkaar,kaas oo si rasmi ah lagu qabtay Hotelka Alle-Aamiin ee degmadda Qardho.

 

Shirkaan balaaran ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 100 qof oo ka kala socday Isimadda,Aqoonyahanka, Nabadoonadda ,Cula’udiinka, Siyaasiyiinta, Waxgaradka ,Haweenka, Dhalinyaradda iyo dadweynaha Gobolka Karkaar.

 

Ugu horeyn waxaa lagu furay Ayado quran ah , intaas ka dib waxaa shirweynaha ka hadlay Eng.Faarax Muuse oo ka tirsan qurba joogta Puntland, kaas oo sheegay in kulanka yahay mid looga dan leeyahay in shacabka Gobolka Karkaar ay uga tashadaan Mustaqbalkooda.

 

Intaas ka dib ayaa waxaa lagu soo dhaweyay Siyaasiyiin uu ka mid yahay Duqii hore ee degmadda Bosaso Khadar Cabdi Xaaji Mire, kaas oo in badan ka hadlay Puntland shalay iyo maantay halka ay kala joogto, isaga oo sheegay in ay nasiib daro tahay in shacabka ay xataa ka tashdaan waayaan mustaqbalkooda.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay Axmed Taaran Xeerilaaliyihii hore ee Maxkamadda gobolka Bari, isaga oo sheegay in ay tahay nasiib daro in laga aamuso maamulka Puntland, isaga oo sheegay in haatan ay mareyso in Wax walba oo horumar ah loo leelixo Garowe.

 

“Maantay waxa ay mareysaa xukumadda, in ay noqtay gurigeeyga kireyso,baaburkeyga kireyso, sidoo kalena xataa warshadihii rootiga iyo xalwadda uu la wareegay Wiilka Madaxweynaha” ayuu yiri Axmed Taaran.

 

Axmed Taaran ayaa hadalkiisa ku sii daray “ 91 qof ayaa kiiskooda dilal wax ka hayaa, maalin keliya , intii aan shaqada ku jiray iyo intii aan ka tagayba wax tilmaam ah  kama aysan bixin cidii dilalka geystay xumadda Puntland” .

 

Waxaa halkaas hadalo ka jeediyey qaar ka mid ah waxgaradka degaanka kuwaas oo sheegay in loo baahan yahay in shacabka  karkaar iyo kan Puntland guud ahaan ay ilaashaadan amnigood, isla markaana xoojiyaan shirarka wada tashiga ah oo dhex dooda ah.

 

Waxaa sidoo kale leysku raacay in ay nasiib daro tahay in la daawado dhibaatadda la sheegay in shirkadda Sarracen International ay ku hayso Puntland, isla markaana hadda la doonayo in ay degaanada Xaafuun iyo Bayla ay saldhigyo ka sameysto.

 

Suldaan Cabdi Shukri oo ka tirsan isimadda Puntland ayaa waxaa uu isaga hadal dheer meesha ka jeediyey aya sheegay in marka hore uu  taagerayo in la dhameyo khilaaf walba oo ka dhex jira beelaha deganka gobolka karkaar.

 

“ shirkaani waa guul waana mid sidaan oo kale ka socda, Bari,Sanaag,Sool,Ceyn iyo Mudug intaba hadii Qardho maantay uu ka furmay waa guul, shirkani iyo kuwa kaleba ma ah wax dumis ee waa wax hagaajin”.ayuu yiri suldaan Cabdi

 

Waxa kale oo hadalkiisa uu ku daray “Dastuur ha la xulo saddex wasaaradood ayaa soo xulay, wasaaradda amniga,tan arimaha gudaha iyo weliba tan haweenka, waxa laga hadlayna waa dastuur shacab leeyahay, waana mid dal iyo dibadda aan midna la yeeli Karin in 480 xubnood ay dad shaqsiyaad ah soo xulaan oo weliba ka tirsan shaqaalaha dowladda”. Ayuu yiri Suldaan Cabdi shukri.

 

Munaasibadan waxa dib loogu eegay daruufaha ka jira maantay Goboladda Puntland, taasi oo lagu milicsaday dhanka amniga waxaa muuqneysay sida la sheegay xasilooni daro ka jirta Goboladeena aanay weli taariikhda Puntland dhisneyd la soo gudboonan, arintaasna waxaa sababtay Xukumadda Faroole oo ka gaabisay inay soo bandhiga  qorshe marxaladeysan oo looga hortago waxna looga qabto arimaha amniga.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa laga soo saaray Qodobo muhiim ah oo ka mid ahaayeen,.

 

  1. Waxaa si weyn loo taageray shirweyihii ka dhacay Bosaso 17 bishan, taasi oo la sheegay in ay aheyd guul u soo horyatay shacabka Puntland.

 

  1. Waxaa si buuxda looga soo horjeestay xeerka aftidda dastuurka Puntland, ee lagu soo xulayo 480 xubnood taasi oo ay soo xulayaan wasaaraddaha dowladda iyo gudiga doorshadda, taasi  oo la sheegay in aysan sinaba suurta gal u noqon Karin in laga afduubo dadweynaha xaqa u lahaa in ay codeyaan , gacantana loo geliyo koox xaamilusowd ah.

 

  1. Waxgaradka gobolka Karkaar waxa ay hoosta ka xariiqeyn in dastuurka lagu ansixin karo oo keliya afti dadweyne oo weliba aqlibiyaddu u codeyso, ogolaanshana siiso, waxa ayna si buuxda u qaadcayaan doorshadda dastuurka ee la sheegay.

 

  1. Waxaa si buuxda looga soo horjeestay, joogitaanka Shirkadda Saraccen International oo ay wataan colooshood u shaqeystayaal u dhashay Koonfurta Afrika,oo xukumadda Faroole u golaatay in ay dalka kala baxaan macdanta ay doonaan iyadoo oo ay u wehliso in ay ku xabaalan badaheena iyo beriga suntan laga mamnuucay caalamka iyo aduunka, waxaa kale jira shirkado badan oo aan la aqoon waxa ay qabnayn.

 

  1. Waxaa si buuxa leysugu raacay in Puntland ay ka aloosan tahay xasilooni daro aan weli horey u soo marin taariikhda intii ay dhisneyd Puntland,taasi oo ay sababtay xukumadda Farole oo ka gaabisay in ay soo badhigto qorshe marxladeysan oo wax looga qabto ka hortagga dilalka qorsheysan,qaraxyadda iyo coladaha beelaha deriska ah ee Puntland.
  2. Waxaa dhacay dhaqaale bur bur baahsan oo aan weli Puntland soo marin, iyadda suuqii ugu weyna Puntland u gubtay, isla markaana aysan wax taageero ah ka helin xukumadda Farole.

 

Ugu dambeyntii  shirweynaha ayaa leysku raacay in ay Puntland maantay ka jirto jahwareer siyaasadeed,eex,cadaaladda xumo iyo sadbursiga astaanta u ah xukumadda Farole, taasi oo ay muuqneyso in hogaanka Puntland sida la sheegay lagu aami Karin Xukumaddaas isla markaana loo bahan yahay in la baadi goobo hanaan lagu samatabixinayo Puntland, si loo adkeyo midnimadda iyo wadda jirka reer Puntland, taas oo ah xil wadani iyo masuulyadda taariikh ah.

Waxaa Saxaafadda soo gaarsiiyey, xubin ka tirsan Gudiga Shirweynaha Shacabka

Waxaa Saxaafadda soo gaarsiiyey, Gudoomiyaha Gudigga Wadda tashiga Shirweynaha Karkaar

 

Alla Mahad leh

Maakhir Media Qardho

 

Comments are closed