|

Shariif Xasan oo la kulmay waxgaradka Beelehe Digil&Mirifle iyo Jareer wayne+Dhagayso

Play

Garowe-MMedia-Shariif Xasan Shiikh Aadan Gudoomiyaha Barlamaanka soomaaliya ayaa maanta baarka Rugsan ee magaalada Garowe  kula kulmay waxgaradka iyo duqayda beelaha Digil iyo Mirifle iyo jareer wayne,ujeedada kulankan ayaa ahaa wax ku oogaanshaha hadalo hore qaar ka mid ah  baarlamaanka DFKM ee ka soo jeeda beelahan aan soo xusnay oo Puntland ku eedeyey inay tacdi loogu gaysto barakacayaasha.

Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif xasan oo xafladdan ka hadlay ayaa sheegay in markay la kulmeen dadka barakacayaasha ah ee reer Digi iyi Mirifle aysan u sheegin wax dhibaato ah oo ay qabaan,

“Wax dhibaato ah maysan sheegan qof la xiray,iyo qof kantarool lagu xayiray keliya ayay noo sheegeen,taasna meel ay dawlada joogto maalin kasta waa inay jirtaa,waayo haddaysan taasi jirin kala dambayn imaanmayso,runtii aad baan ugu mahad celinaynaa Puntland sida ay soo dhaweyeen dadka dagaaladu soo barakiciyeen,oo hadda degay waxbarsho ku haysto,nabadna waa in lagula noolaada,nabaddana ay wax ka gaystaan oo ay dawladda u sheegaan qofkii nabad xumo wada”ayuu yiri shariif xasan.

Dhinac kele gudoomiyaha baarlamaanka ayaa guul ku sheegay shirkii shalay la soo xiray qodobadii ka soo baxay,wuxuuna Puntland ugu mahadceliyey marti gelinta shirkana,iyo tanaasul uu tilmaamay inay sameeyeen.

Shirka maanta ka dhacay hoolka shirarka Rugsan Square ayaa waxaa joogay qayabaha ugu muhiimsan ee dadka ka soo barakacay koonfurta Somaliya,waxaana shirku markuuu soo dhamaaday Radio Garowe la hadlay qaar ka mid ah Nabadoonada kulankan ka qayb-galay ee ka soo jeeday beelaha Digil iyo Mirifle.

13,Sep,2011 hadaladii ka soo yeeray qaar ka mid baarlamaanka Somaliya ayay sheegeen inay gudoomiyaha u qireen inuusan waxba ka jirin,waxayna xuseen inay la kulmeen kuwii  warka qaldan ka gudbiyay .

Sikastaba ha aheetee  kulanka uu la qaatay Shafiir Xasan Shiikh ayaa ku soodhamaaday  Jawi wanaagsan,uuna Gudoomiyuhu indhihiisa ku arkay  Dadkii  laga sameeyay  wararka been abuurka ah ee ku aadan in Pl lagu dhibaateeyo Dadka ka soojeeda beelaha Digil& Mirifle iyo Jareerwayne.

Faadumo C/risaaq Cawe

Xafiiska Warrarka  maakhir.net Garowe Puntland.

Comments are closed