Qarax lala egtay Saraakil ka tirsan ciidanka miina Baashista Puntland oo khasaare gaystay
Yalho -MMedia-Meel u jirata Magaalada Bosaso 40KM ayaa lagula eegtay saraakil ka tirsan ciidamada miina baadhista Puntland Qarax gaadhi ay wateen iyadoo halkaasina uu ka dhashay khasaare gaadhay hal Askari oo ku dhintay iyadoo laba kalen ay ku dhawacmen
Ciidamada amaanka ayaa goobta gaadhay isagoo uu Hogaaminayo wasiir ku xigenka Amaanka puntland iyagoo soo indha indhay naya khasaraha iyo sida wax u dhacen .
Ciidamadanka oo horgal u ahaa kolonyo gaadiid ah oo sidey qalab tuubooyin iyo biraha kale ee dhulka lagu qodo isugu jirey oo ay lahayeen Shirkadaha howlaha macdan qodista ka wada qaar kamid ah gobolada Puntland ayaa waxaa goobta lagu qarxiyey lagu magacaabaa Qorofo waxayna masaafo isleeg u jirtaa labada tuulo ee Karin iyo Yalho oo labadooduba ku dhowaad 50km oo dhinca koonfurta ah magaalada boosaaso ka durugsan.
Askariga dhintay ayaa kamid ahaa saraakisha ciidanka miina baadhista Puntland iyadoo labada kalen ay kamid ahaayeen ilaalada ,Qaraxan oo ahaa mid aad u xoog badan isla markaana sabab dhimashada iyo dhawaca kaasi oo ahaa nooca Rimuutka lagaga hago meesha fog.
Laamaha aamaanka ayaan wali ka hadlin Qaraxa khasaraha gaystay,maahana markii ugu horaysay ee qarax noocan oo kale ah lala eegto ciidamada amaanka iyadoo dhawr jeer o hore uu ka dhacay qarax noocan oo kale ah .
Maakhir Media Yalho Gobolka Bari
