Shirkii wada tashiga oo sooxirmay iyo heshiis laga gaaray Qodobana laga soo saraaray+Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
Qudbadihi labada madaxwayne Faroole iyo Shariifka
Garowe-MMedia-Shirkii wadatshiga Somalida uga socaday Garoowe ayaa lagu gaaray hishiiis rasmiya,baarlamaanka somalida ayaa lagu hishiiyey in tiradiisa laga dhigo 225(laba boqol iyo labaatan shan) habka 4.5-ka ayaa lagu hishiiyey inuu sii shaqeeyo muddo afar sanno ah,xulashada baarlamaanka ee Ogos 2012 dooranaya madaxda qaranka waxaa la soo xulayaa bisha June.
Hishiiska maanta lagu gaaray garoowe ayaa waxaa si wada jira u saxeexay,TFG,Puntland,Ehlusunna ah, iyo Galmudug,waxaana markii la saxeexayey lana ogaaday in madaxda somalidu hishiis midaysan gaareen is qabsaday sacab ka soo yeeraya dadweynihii shirka fadhiyey oo shucuurtooduna kacsanayd.
Wakiilka Igad ee Somaliya oo hadal ka jeediyey xafladii xiritaankii shirka wadatashiga ah,wuxuuna ugu horayn u mahad celiyey Madaxweynaha dawladda Puntland iyo dadweynaha oo ku tilmaamay inay qaadeen talaabodan geesinimada ah,waxa uu xusay in Somaaliya ay ka mid tahay wadamadii asaasay urur goboleedka IGad,waxaana la wadaagaynaa Somaliya buu yidhi dhibaatada haysata madaama laga xoraynayo Alshabaab.
“Igad iyo wadamada ay bahwadaagata yihiin ayaa xuddun u ahaa asaasgii haya’adaha federaalka Somaliya,waxaana Igad ka go’an inay Somalida garab taagnaato ilaa la soo celinayo nabdii iyo kala dambayntii,wadamada igad waxay marti geliyeen dadkii ka cararay dagaaladii Somaliya,sidaas daradeed madaxda Somalidu ha xlistaan wixii khilaafa si aan loo baylinihin hay’adaha jira” ayuu yiri wakiilka Igad u somaliya u qaabilsan Jamaal
Waxaa kele oo wakiilka Igad u mahad naqay guddiga gacanta ku haysa dastuurka qabyo qoraaleedka ah,masuulkan ayaa ugu dambayn sheegay in Igad ay raali ka tahay kuna qanacsantahay mabiidada garoowe maanta lagu gaaray.
Chiritain Manhal ku xigeenka ergayga gaarka ah QM u qaabilsan Soomaaliya oo ka hadlay xiritaankii shirka somalida ayaa sheegay in guul la gaaray 4-cisho oo laga doodayey ahmiyadii shirka loo qabtay,wuxuuna ku dheeraaday hababka ii hishiiskani diirada saarayo,wuxuuna ku tilmaamay in qodobada maanta soo baxay ay yihiin qodobo midho-dhala,wuxuuna dhawaq dheer u ku yiri manahal “waa la gaaray wixii la rabay” isagoo aad ugu faraxsanaa qodoba ay dhinacyadu Somalidu ay midnimada ku gaareen.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Faroole oo wajigiisa ay farxadi ka muuqatay markii laga soo dhaweeyey Microfoonka ayaa ugu horayn cabiray dareenkiisa ku aadan xiritaanka shirka wadatshiga qaran ee Soomaaliya.
“Waxaan halkan ka cadaynayaaa in shirkan maanta dhamaaday ay guul u tahay Puntland iyo Somaliya oo dhan,waxaana idiin sheegayaa sidii aan furitaankii sheegay in aan waxba laka qarsan balse aan la ka tegayn tiibaana maanta dhacaday” ayuu yiri Dr,Faroole bilawgii hadalkiisa.
Dr,Cabdiraxmaan Faroole ayaa soo hadal qaaday mid ka mid ahaa qodobadii ugu adkaa muddadii shirkani socday kaasi oo ah nidaamka 4.5 oo ku sheegay mid cadaalada daro ah,wuxuuna xusay in waqti loo qabatay lagana bxi doon sida ku xusay hishiiska mabaadiida Garoowe ee maanta qalinka lagu duugay.waxaana uu sheegay in dhinacyada somidu gaareen hishiikan iyagoo aysan cidina wax u yeedhinayn.
Ugu dambayn ayaa madaxweyne Cabdiraxmaan wuxuu mahad balaaran u jeediyey dadweynaha reer puntland siday dawladda Puntland ugu garab istaageen qabsoomida shirka,wuxuuna amaan iyo ducuba iskugu daray ciidamada kala duwan ee Puntland oo xilweyn iska saaray inay sugaan amaan caasimada iyo guud ahaanba deegaanada Puntland.
Madaxweynaha dawladda Federaalka Somaliya Mudane Shariif Shiikh Axmed oo soo gababeeyey xafladii xiritaanka shirka wadatashiga Somalida,ayaa muujiyey farxada isgaoo mahad balaaran u jeediyey dawladda Puntland oo ugu horeeyo madaxweynaha Puntland Shacka iyo ciidamada Puntland oo ku amaanay qaabka ay u sugeen amaanka caasimadda Puntland.
Madaxweyne Shariif ayaa dhinace kele sheegay in loo baahan in taaba gelinyo qodobada maanata lagu saxeexay magaalada Garoowe.wuxuuna Madaxweyne shariif dawladda Puntland ku amaanay tanaasulkii ay ka sameeyeen qodobadii doodu adkaatay.
Faduma Abdirisak Cawad
Maakhir Media Garowe
