Sacado Badan kadib Shirkii Garowe oo lays ku afgartay iyo Qodobadii kasoo baxay oo lasugo
Garowe-MMedia-Shirkii wadatashiga ee kasocday Garowe ee puntland ayaa waxaa mudo socotay is afgard waa iyadoo ay masuuliyiintii shirka kasoo qayb galay ay isku afgaran wayeen tan iyo xiligii uu bilowday maanta shirka qodoba inkastoo intii badnayd lagu heshiyay .
wararka ayaa intaasi ku daraya in ay shirku noqday mid laysku afgaran waayo iyadoo masuuliyiin uu kamid yahay Raysal wasaaraha Somaaliya uu dhex galay isla markaana ay arintu noqotay mid laysku afgarto .
Waxaa inta badan hore la isugu afgartay inta badan qodobadii shirkaasi looga hadlayay ayaa hadana waxa la isku mari la’aa qodob ku saabsan sida lagu soo xulayo baarlamanka. Waxaana ugu dambayntii uu Ra’iisul wasaaraha Somalia ku qanciyay dhinacyadii Shirka ka qayb galayay in Baarlamaanka badalaya kan hadda jira ay soo xulaan Odayaasha Dhaqanka ansixinta ugu dambaysana ay yeeshaan TFG, Maamul Gobaleedyadda iyo Ahlu Sunna Waljameeca. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in Baarlamaanka soo socda uu noqdo kii ugu dambeeyay ee Habka Qabaa’ilka lagu soo xulo ama 4.5 wixii ka dambeeyay loo gudbo in Xildhibaanadda ay dadku soo doortaan.
Labada shariif oo doonayay Qodobka Kumel gaarka ah iyadoo Madaxwayne Faroolena uu doonayay in laga gudbo axdiga 4.5 iyo habka qabiil balse ay diideen waxaan kadib hadalo lays dhaafsaday laysku af gartay in la heshiyo oo lawada qato Qodoba.
Shirka wada tashiga ayaa shalay lasoo gaba gabayn lahaa iyadoo laysku af garan wayay Qodobadii natiijada lahaa ee shirka kasoo bixi lahaa .
Cododka iyo Qodobada waan idin soo gudbin doonaa insha alaah
Maakhir Media Garowe
