Wasiirka Maaliyada Somaaliland ayaa la sheegay in uu xilka wasiirnimo iska casilaayo
Hargaysa-MMedia-Warar aan ka helayno ilo ku dhow wasiirka Maaliyada Somaaliland Maxamed xaashi Cilmi ayaa sheegay in uu xilka wasirnimo uu iska casilidoono .
Hadal haynta is casilaada ayaa maalmahan waxaa laysla dhex maraayay suuqa iyadoo aanay jirin wax wara oo kasoo baxay wasiirka maaliyada Somaliland ,laakin ay sheegayaan ilo ku dhow wasiirka in uu xilka iska casili doono uuna dhiibayo waraaqda is caasilaada.
Wasiirka ayaan wali wax war ah oo arintaasi kusaabsan aanay kaso bixin iyadoo ay wararku tilmaamayaan in uu ka hadli doono arinkaasi taasi oo ay noqon doono hadalkiisa la sugayaa mid uu xilka kaga tago iyo mid uu ku beeniyo.
Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iskaga tagay wasiirki hore ee arimaha Gudaha Mr Gaboose kaasi oo sheegay in uu xilka iskaga tagay isagoo sheegay in uu danihiisa isaga tagay xilka wasiirnimo ,hadii maxamed xaashina is casilo uu noqonayo wasiirkii labaad ee xilka isna isaga taga tan iyo intii ay qabatay xukuumada Axmed maxame Silaanyo Talada dalka.
hadalada laysla dhex marayo suuqa ayaa noqonay iyadoo ay maxamed xaashi iyo gaboose ay ahaayen asaasayaashi ururkii Qaran ee la baabiyay loona xidhay miyaanay ku midoobayn ururka cusub ee uu hada furay Maxamed cabdi gaboose mise waxa uu furan doona isna Urur cusub oo siyaasi ah .
Maakhir Media Hargaysa.
