Shirkii wada tashiga ee Kasocday Garowe oo la filayo in saacadaha soo socda laga soo saaro natijo
Garowe-MMedia-ka imaanaya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in shirkii wada tashiga ee mudo sadex maalmooda ka socday u soo gaba gaboobi doono saacadaha soo socda iyadoo laga soo saari doono warmurtiyeedka ka soo baxay mudadaasi.
Shirka wada tashiga ee ka soconayay Caasimada Puntland ee Garowe ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu so gaba gaboobo sid aay sheegayaan wariyaasha halkaasi ku sugan ,waxaana sidoo kale la filayaa in shir jaraa’id oo looga hadlayo natiijada shirka ay qabtaan madaxda shirka ka qayb gashay.
Shirka ayaa haatan socda iyadoo looga wada hadlayo arima badan oo dastuurku ka mid yahay iyo sidii bulshada Somaaliya ay dhibaatada ug a bixi lahayd wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay mashquul sanyihiin gudiga loo saaray shirka iyadoo ay maantana ku eegtahay shirka wada tashiga oo soconayay mudo sadex cisho ah.
Waxaa la sugayaa waa natiijada shirka oo soo socota saacado kadib wixii warana waan idin soo gudbin hadii allaha awoodale yidhaahdo.
Maakhir Media Garowe
