Maareeyaha Cusub ee dekada Berbera oo Xilkii La Wareegay+Sawiro
20/12/2011 uu Madaxweynaha Somaliland ayaa u magacaabay maamulka Dekeda berbera horena u ahaan jiray maareyaha Dekeda berbera Eng.Cali Cumar Maxamed(Cali Xorxoor)ayaa saak sirasmiya ula wareegay maamulkii dekeda berbera Waxaana xaflada balaadhan oo lagu qabtay xafiiska maareyaha dekeda Kasoo qeybgalay masuuliyiin tira badan oo ay kamid ahaayeen Maareyaha xilka wareejinayay Axmed Yuusuf Dirir badhasaabka gobolka saaxil Maxamuud Cali Hayste(Ramaax)duqa degmada berbera Cabdalle Maxamed Carab,Maamulaha Kastamka berbera Cali axmed Bulbul iyo masuuliyiin badan oo kamida haayadaha Dawlad ee gobolka saaaxil waxa kaloo iyaguna kasoo qeyb galay xildhibaano katirsan golayaasha Somaliland iyo marti sharaf badan waxaana ugu horeyn xafladaa xilwareejinta ka hadalay xubin katirsan gudida qabanqaabada
xilwareejinta labada masuul ee xilka lakala wareegayay oo ahaa Cali Axmed Bulbul waxaani sheegay in ay rajaynayaan in ay xafladani siwanaagsan ugu dhacdo kadibna waxa hadalka qaatay maareyaha xilka wareejinay Axmed Yuusuf Dirir oo ku dheeraaday waxqabadyada muuqda ee uu dekeda ka sameeyay mudad kooban ee uu xilka maareyenimo hayay isaga oo midmid utilmaamay meelaha uu wax ka qabtay waxa kaloo uu maareyaha xilka wareejinayay uu iyana soo bandhigay Qorshayaasha udiyaarsanaa iyo mashaariicda uu doonayay in uu fuliyo sanadka cusub waxaana kamida ahaa hadaladii maareyaha xilka wareejinayay”Waxa aan marka ugu horeysa umahad celinayaa maamulada gobolka. degmada iyo dhamaan hayadah dawlada ee gobolka saaxil waxa kaloo aan iyana umahad celinayaa xildhibaanada iyo marti sharafta faraha badan ee xafladan kasoo qeyb gashay,Waxan aad ugu faraxsanay in aan manta wareejinayo maamulkii dekeda Berbera ee aan qaranka uhayay mudada lix iyo tobanka bilooda waa sunaha dawladanimo bedelku waana wax iska caadiya in masuulka xil haya la bedelo marka
udanbeysana waxa dhacaysa in qofka la bedelo oo aakhiro loo bedelo waxan iyar ka hadalayaa oo soo koobayaa wixii noo qabsoomay mudada lix iyo tobanka bilooda waxa noo qabsoomay waxa badan oo muuqda oo ay kamid mid yihiin dayactirka qeybaha ay dekedu ka koobantay oo dhan haday noqoto barxada haday noqoto dhismayaasha waxa kaloo aanu wax weyn ka qabanay qalabka dekeda oo mihiim u ah shaqada dekeda waxaananu mudadaa kooban dekeda Usoo iibinay qalabka wax roga waxna dajiya oo isugu jira wiishash liftaro iyo tareelayaasha koonteenarada lagu guro oo dhan(30) gaadiidkaa sodonka ah ayaa Waxa uu nagu simay in aanu noqon ama haysano qalab ku filan shaqada dekeda Waxa kaloo iyana imika markab soo saaran oo jidka kusoo jiray afar gaadhi oo ah Kuwa loo yaqaano tareelyaasha oo aanu ugu talagalay in aanu ku guro koontanarada oo lagu geeyo dekeda danbe ee aanu imika dhismaheeda wadnay Gaadiidkaasi waa gadiid qiime weyn noogu fadhiya oo baahiyaha koonteenarad wax badan katari doono baabuurtaasi maaha qaar ay ku jiraan kuwa lagu raaxaysto ee waa gadiidka shaqada dekeda aanu ugu talagalay dhawaan waa iman doonan,waxa kaloo qorsha sanadka cusub noogu jirtay in oo aanu shirkado shisheeye lasoo saxeexan in berbera laga sameeyo xarun lagu keydiyo koonteenarada loo wado geeska oo dhan oo maraakiibta koonteenaraduna ay ka Xambaaran kuna keydsadaan shirkadaha koontenaradu waanay imanayaa xukumaduna waa ogeyd oo qorshahaas way la socotaa waxanan rajaynayaa in uu maareyaha cusubi hawshaa halkeeda kasii wadi doono waxa kaloo iyana qorshaha sanadka cusub noogu jirtay in aanu bedelo taaga dekeda oo gaboobay makiinadiisuna ay tabcaan tahay dushana uu ka googo,ay waxaana aanu doonaynay in aanu doonano taag jaban oo mustacmara ileen ma goyn karo taag cusub markaa waxa aanu islahayn in aanu taag ilaa(600.000&)dollar ah aanu wadamada debeda ka raadsano waxaana rajaynayaa in uu maareyaha cusubi hawshaa qaban doono, waxa iyana qorsha noogu jirtay oo aanu hayada W.F.Pna kawada hadalay sidii aanu ukeeni laheyn pallking pakage oo ah warshada moorisa raashimada kontonka kiilona ku shubta oo sida maraakiibta qamandida caawimada ah usida Ethiopia waxa weyn ka qaban laheyd dekedana unoqon laheyd warshada ay leedahay halka ay imika keensadaan marka uu yimaado markabka caawimada usida dawlada ay jaarka nahay ee Ethiopia, Waxa kaloo iyana aanu doonaynay in bisha ugu horeysa ee sanada 2012 aanu guri udhisno agoonta uu ka geeriyooday Marxuum Xariir Waraabe oo kamida ahaa saraakiisha dekeda oo dhawaan geeriyooday waxaanu gurigaa uga jeednaa in aanay caruurtii agoonta aheyd ee uu Katagay marxuunkaasi meeshii uu aabihiin sodonka sanadood ka shaqaynayay Miyaan wax waxtara laydinka siinayn gurigaasi iyo guri kale oo isna aanu ku abaal Marinayay Pilotkii dekeda mudada dheer kasoo shaqeynayay waa Pilot Shayse oo Isna gaboobay hudheela ku jira oo aan magaalada guri kulaheyn labadaa guri ayaa Waxa aanu damacsanayn halka ay rabaan Berbera iyo Hargeysa in aanu uga dhisno waananu diyaarinay qorshohoodii iyo kharashkiiba in la dhaqaajiyo ayunbaa hadhsanayd waxaanan kaga tagayaa maareyaha cusub in uu dhameystiro,Dhinaca khasnada ama accountka dekeda waxa ku jira lacag dhan(400,000$)dollar oo aan Maareyaha cusub ku wareejinayaa waxa kaloo maareyaha ku wareejinayaa gaadhigii aan watay oo GTya oo aanan anigu markaan lawareegay maamulka dekeda aanan nasiib uhelin,ugu dabeyntii waxa aan maareyaha cusub ku wareejinayaa oo xil wareejinta kamida aniga oo gudida jaamacad bada ee berbera Gudoomiye u ahaa(Deen)waxaanan leeyahay jaamacadaa waxa gacanta ku haysay Maamulkeeda iyo wiixii waxqabada dekeda inkastoo uu badhasabka gobolku isna wax badan ka qabtay.

Maareeyiha Cusub Ee Dekadda Oo Xilkii la wareegay
Maareeyaha cusub ee Dekadda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor “Wax badan inaan halkan ka idhaahdo umaan kicin, laakiin waxaan jeclahay uun inaan ka dhawaajiyey inaan xilka Madaxwaynaha Somaliland iyo Dawladiisu ii garteen inaan si daacad ah u gudan doono, isla markaana aanan waxba ka hagran doonin. Waxyaabihii uu Maareeyihii hore ka tagay ee qabyada ahaana Insha Allaah waxaan balanqaadayaa inaan dhamaystiro”.
Maayarka Degmadda Berbera Cabdalla Maxamed Carab (Cabdala Sandheere) “Wakhti badan ma haysano laakiin laba kalmood ayaan ka odhanayaa Munaasibadan sida wanaagan loo soo agaasimay ee Maareeyihii hore Axmed Yuusuf Dirir iyo kan cusubi Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), isaga Cali wax badan ka odhan maayo oo waxaan odhan lahaaba waxaan idhi maalintii uu xilkan hada loo magacaabay uu hore u wareejinayay, isla markaana waxaanu ahayn Saaxiibo wakhti dheer soo wada shaqeeyey, laakiin Maareeyaha hada la badalay Axmed Yuusuf Dirir ayaa waxyar ka odhan lahaa, run ahaantii waxaan qirayaa inuu waxwayn ka qabtay Dekada Berbera oo ah meesha Miisaanida dalku ka soo baxdo, runtii waxaan qirayaa mudadii sanadka iyo lixda bilood ahayd ee uu hayey xilkan uu maanta wareejinayo inuu wax badan ka qabtay Magaaladda Berbera, isla markaana uu yahay shakhsi balanta ilaaliya oo wixii aad ku balantaan isagu kaaga sii horaynaya, kuna raagi maayoo isagaaba wixii uu qabtay inooga waramay”.
“Cali Xoor Xoor-na waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu u fududeeyo Masuuliyadaas uu maanta la wareegay, waanan ku hubaa inuu xilkan si wanaagsan u gudan doono waayo Dekadda hore ayuu Cali Xoor Xoor Madax ugu soo ahaa, waxbadana wuu ka qabtay. Aniga iyo Cali Xoor Xoor kolay dagaalo badan iyo Kaambayno badan ayaanu soo wada galnay, isla markaana hal mar mooyaane mar kale waligayo nalagama guulaysan, imikana waan ku faraxsanahay inuu mar kale ku soo noqdo xilkan oo aan qabo inuu ka soo bixi doono”.
Maxamuud Cali Haystay (Ramaax), “Maareeyihii hore ee Dekadda waxaan qirayaa inuu wax wayn ka qabtay Dekadda Berbera, isla markaana waxyaabo badan ku soo kordhiyey. Waxaan kale oo aan jeclahay inaan Jaaniskan uga faa’idaysto oo ahayd Sideebaad Cali Xoor Xoor u wada shaqayn doontaan, waxaan u sheegayaa Saxaafadda su’aashaas igu wareejinsay waanu wada shaqaynaynaa oo hore-na waanu u soo wada shaqaynay, isla markaana Cali Xoor Xoor waxaanu wada dhigan jirnay Dugsiga Farsamadda ee Burco ee Jarmalku lahaa inkasta oo uu iga yar sareeyey, markii danbena anigu waan ka tagay isagu wuu dhamaytay, markii danbena Xamar ayaanu iskugu nimid, wakhtigii aan Dekadda ka shaqaynayeyna si wanaagasn ayaanu u wada shaqaynay imikana waxaan cadaynayaa inaanu si wanaagsan u wada shaqayn doono”.
Maakhir Media Hargaysa
