Wasaaradda arimaha Gudaha somalia oo Amaro ka soosaartay Khilaadfka barlamaanka+Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
Garowe-MMedia-Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaran ayaa maanta sheegtay in hoolka baarlamaanka Somaliya ee Muqdisho aysan baarlamaanku ku shiri karin maanta laga bilaabo muddo afar toddobaada si loo kala ilaaliyo xildhibaanada loona sugo amaankooda.
hadalkan ayaa waxa madasha shirku ka socd ee Garoowe waxaa wariyeyaasha ugu sheegay wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qarna Somaliya,waxaana uu baarlamaanka ugu laamaha amniga qaranka ugu baaaqay inay sugaan amaanka xildhibaanada, wuxuuna sheegay in talaabadan ay la noqotay inay qaadaan ka dib markay baarlamaanku isku gacan qaadeen markii labaad dhaawacyo culusna ay is gaarsiiyeen.
Cabdi Samed shiikh ayaa dhinaca kele sheegay in garoowe lagu soo afmeeray khilaafaadkii u dhexeeyey Galmud,oo dhawaanaha ay ka dhex-taagnayd Baarlamanka maamulkaasi iyo Maxamed Axnmed Caalim.
Guud ahaan Wasiirka oo ka hadlayey xaaladda somaliya ayaa sheegay in nabadda Puntland ka jirta ay tahay mid somaali oo dhan ay ku faani karto,isagoo ka mahad celiyey soo dhawaynata dhinacyada somalida garoow loogu sameeyey.
Fatima C/risaaq Cawad
Maakhir Media Garowe
