|

Faah faahin ku saabsan Shirkii wada tashiga somaalida ee ka socda Garowe+Dhagayso

Play

Garowe-MMedia-Waxaa maantii labaad ka socda caasimada Puntland ee Garoowe shirkii wadatshiga heer qaran oo maanta si toosa loo guda galay ajandayaasha shirka loo qabtay,waxaana hadda socda doodaha ay ka yeelanayaan dhinacyada shirkan jooga labada qodob ee kala ah Dastuurka iyo yaraynta Baarlamaanka.

Masuuliyiinta shirka markii la bilaabay ka hadlay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Galmudug,Ehlusuna waljameeca masuul ka socday,ku xigeenka Ergayga gaarka ah qaramada midawday Somaliya u qaabisan Manhal, Wasiirka Dastuurka iyo dibu-hishiinta  qaranka Somaliya iyo wasiiru dawlaha dastuurka iyo arimaha Federaalka Puntland.Cabdullaahi Xaashi Xasan wasiiirka dibuhishiisiinta Somaliya oo ugu horayn ka hadlay ajandaha shirka maanta ayaa ku dheeraaday in la ilaaliyo waqtiga si looga faa’iidaysto dhamaystirka qodobada shirkam,wuxuuna xusay in la rabo in shirkan ay ka soo baxaan natiijo wax ku oola.
Fatima Abdirzak Awed
Maakhir Media Garowe

Comments are closed