Axmed Dhimbil Rooble “waxaan magacownay gudi gaadhay 34 xubnood oo ah qaban qabada doorashada Gudoomiyaha
Muqdisho-MMedia-Guddomiye ku xigeenka Labaad Axmed Dhimbil Rooble Casowe oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in magacaabista guddigaani ay ka dambeysay kadib markii uu baarlamanku awood u siiyeen in uu soo magacaabi karo guddiga Doorashada, waxa uuna hoosta ka xariiqay Casoowe in waaajibaadka laga doonayo guddigani ay ka mid tahay diyaarinta qorshe howleedka, qabashada araajida musharrixiinta guddoomiyaha cusub ee baarlamanka, soo diyaarinta qalabka, waqtiga la qabanayo doorashada iyo sugidda amniga goobta doorashada.
Sidoo kale mar uu ka hadlayay guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamanka cidda isu soo sharaxi karta qabashada xilka afhayeenka baarlamanka ayuu xusay in cid walba ay isa soo sharrixi karto hase yeeshee ay tixgelin siin doonaan nidaamka awoodqeybsiga 4.5 oo ay ku dhisantahay dowladda waxa uuna tilmaamay in haddii ruuxa la doorto uu waxyabo xun ku sifoobo aan la aqbali doonin sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka guddiga dastuurka iyo arrimaha federaalka baarlamanka C/qaadir Sh Ismaaciil oo saxaafadda la hadlay ayaa aqriyay magacyada 34 ka xubnood ee loo magacaabay guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyaha baarlamnaka.
Shalay ayay ahayd markii xildhibaano kor u dhaafaya laba boqol ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha shacabka ee magalaada Muqdisho halkaasi oo ay go’aamo ka soo sareen iyagoo maantana magacabay gudiga soo xulida Gudoomiyaha baarlamanka iyo doorashada iyadoo ay u dhacayso sida u sheegay gudomiye ku xigeenka 4.5 .
Maakhir Media Muqdisho
