Qarax Bambaano ah oo ka dhacay Bosaso iyo dhawac ka dhashay Qaraxa iyo Rasaas ay askartu furtay
Bosaso-MMedia-Wararka ka imaanaya magaalada Bosaso ee Gobolka bari aayaa sheegay in caawa Qarax ka dhacay isgooyska xalwo Banaadir halkaasi oo ay askartu maraysay isla markaana lala eegtay Bam gacmeed .
Qaraxa ayaa sababay dhawac dad gaadhay 4 qof wararku sheegayaan dadka dhawacmay in ay qaybtoodku dhawacmeen Rasaasta ay askartu furtay kadib Qaraxii isla markaana ay qasaaro kasoo gaadhay waxaana la geyay Dhakhtarka wayn ee Bosaso.
Qaraxa ayaan la garanayn cida gaysatay iyadoo ciidanka amaanka ay soo gaadheen Goobta uu ka dhacay qaraxa oo ahayd meel aad u buuq badan islam markaana lagu iibiyo qaadka qaybihiisa kala duwan ee Soo gala Bosaso.
Bosaso ayaa inta badan waxaa ka dhaca Qaraxyada iyadoo aana la garanayn cida gaysata Qaraxyada kuwaasi oo dhawac kasoo gaadho dad masaakiina oo aan waxba galabsan .
Maakhir Media Bosaso
