|

Shirkii wadatashiga Somaaliya Wajigisi Labaad oo si rasmi ah uga bilaabmay Garowe+Dhagayso

Play

Garowe-MMedia-Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa waxaa ka furmay shirka wada tashida Somaaliya oo ay kasoo qayb galeen Madaxwaynaha puntland iyo xukuumadisa  Masuuliyin ka tirsan DKMD ee Somaaliya uu horeeyo Shikh shariif ,Raysal wasaraha gudmoomiyaha Baarlamanka ,Uqaabilsanaha Somaaliya Mahiiga ,Galmud,Ahlu suna wajamaca ,Ergo ka socota caalamka iyo martisharaf badan oo kasoo qayb gashay kulanka.

Shirkan oo loo qabay wada tashiga Somaaliya  iyadoo looga hadlayo Roadmap-ka Somaaliya iyo dastuurka iyo dhamaystirka axdiga dawlad somaaliayeed waxana sidoo kale  aad loogu hadlay arima badan oo khuseeya  Alshabaab iyo kuwo cunaqbataynta ku haya Somaaliay iyo shacaba.

shirkan ayaa waxa hadalo ka soo jeediyey Madaxweynaha Somaliya,kan Puntland,Raysal wasaaraha,Gudoomiyaha barlamaanka iyo ergayaga gaarka ah ee qaramada midoobay Somaliya uga wakiilka ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr,Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo shirkan ugu horayn ka hadlay ayaa jeediyey khudbad taabanaysay guud ahaan marxaladda dalku marayo,hirgelinta qodobada shirkani khuseeyo sida Dastuurka,dhisitaankii dawladda Puntland,marxaladihii Somaliya soo martay 1960-2011,iyo talooyinka ku aadan qaabka lagaga bixi karo xilliga kala guurka ah.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed ayaa u mahadceliyey Ilaahay ka sokow dhamaan dadkii ka qayb-qaatay hirgelinta shirkan wuxuuna si gaara ugu mahad ceshay ciidamada dawladda Puntland oo xilweyn isa saaray guddiyadu u xilsaaray,dadweynaha reer Puntland iyo madaxda somalida ee iyaguna sida xushmadda leh uga qayb-galay gogosha ay dawladiisu dhigtay oo ku tilmaamay mid taarikhiya macno badana u samaynaysa Somalida oo dhan.

Madaxweyne Faroole ayaa mar kale cambaareyey xildhibaanada weli khilaafka wada ee raba inay curyaamityaan geedi socodka nabadda Somaliya iyo hishiisyadii la calaamadsaday muddada sannadka ah ee lagag baxyo ku meelgaadhka,wuxuuna beesha caalamka iyo Jamciyada quruumahaba ka codsaday inay u fiirsadaan caddaaladana la horkeeno qof kasta oo isku daya inuu hor istaago nabadda Soomaaliya.

Waxaa sido kale halkaasi ka hadlay Gudmoomiyaha Baarlamanka Somaaaliya o isna si aada ugu mahadwnaqay dadkii shirkan kasoo qayb galay iyo Dawlada puntland oo shirkan qabatay si nabada u dhacay.

Raysal wasaare gaas aya isna goobta ka hadlay oo shegay in  ay maanta tahay maalin farxad leh oo ay umada Somaaliyeed guul usoo hooyatay isagoo sheegay in shirkanina yahay shirkii labadaad ee loogaa arin sanao Somaaliya .

ugu danbaytii waxaa lagu soo dhaweeyey madaxwaynaha Somaaliye Shiikh shariif oo ka halday  xaalada dalka oo dhan sida Al shabaab ,khilaafka Baarlamanka isagoo si aadana u dhaleeceeya alshabaab oo uu sheegay in ay umada Somaaliyed ka fadhiisan wayday waxaana uu sidoo kale sheegay in shirkan wada tashiga ah ee Qaybtii sii labad maanta Garowe ka furanay ay tahay smaynta Road Map kii Somaaliya oo ah lagama maarmaan iyo Dastuurkii iyo axdigii lagu dhaqmi lahaa Madaxwayanaha ayaa ka hadlay hadalao badan oo amaan leh isago Dawlada punland ku aamaanay horumarka iyo banada ay gaadhee.

Isku soo wada xooriyoo shirkan ayaa noqonaya koii labaad ee wada tashiga Somaalida ah ee looga arin sanayo xalada Somaaliya iyo sidii looga gudbilahaa Kumeel gaar loogana bixi lahaa dhibaatada Somaaliya hadhaysay mudo dhan 21 sano iyadoo ay dad  badani ka qaxeen dalka iyo guryahoodii dhimasho iyo dhawac badan ka dhacay waxaan si aada looga wad ahadlay  xarakada alshabaab oo noqotay taargidka ugu wayn ee shirka lagu lafa gurayay.

Dhagayso Khudbadaha

Sheekh Shariif: [haiku url="http://k003.kiwi6.com/hotlink/g2401trc30/madaxwaynaha_somalia_21.mp3" title="Prof Gass"]

Prof Gaas: [haiku url="http://k003.kiwi6.com/hotlink/12b5y7m31p/gaas_21_2.mp3" title="Prof Gass"]

Shariif Xassan [haiku url="http://k003.kiwi6.com/hotlink/ncdt0p6gdu/shariif_xasan_21_3.mp3" title="Prof Gass"]

Faduma Abdirisak Cawad

Maakhir Media Garowe

Comments are closed